Saturday 23 July 2011

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee anisixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda

Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xukuumadda Federaaliga KMG ee Soomaaliya

23ka Luulyo 2011
Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Guddoomiye Ku xigeenadda Guddoomiyaha Baarlamaanka,
Dhammaan Xildhibaanada sharafta leh,
Ciidamada Amniga
Bahda Saxaafadda
Iyo Dhammaan marti sharafta goob jooga ah
Dhammaantiin A Salaamu Aleykum Warahmatullah,
Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta markale hortiina imaado annigoo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah, si aan idiin kugu soo gudbiyo xubnaha aan u soo xulay inay ka mid noqdaan golaha wasiirada iyo barnaamijkii Xukuumadda, si aad uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah.
Sidaad la socotaan, marxalladda aan ku jirno waa mid aad u adag oo u baahan inaan si wada jir ah gacmaha isu qabsano isla markaana aan xilliga ku meel gaarka ah ku wada dhameysano sidii aan dalka u gaarsiin laheyn marxalad aad u wanaagsan. Shacabka Soomaaliyeed waxaa heysta macluul tii ugu xumeyd, barakacii shacabkana aad buu u baahay, saacaddan aan joogno waxaa macluul ugu geeriyoonaya caruur, waayeel iyo dumar, waana inaan u wada istaagno. Kooxaha ka soo horjeeda dowladda shacabkii bey ka hor-istaageen gurmadkii oo xaaladda jirta sii gelisey murugo hor leh.
Sida aad ku aragtaan barnaamijka Xukuumadda cusub waa mid ka tarjumaya xaaladda dhabta ah, isla makaana ujeedooyinkeenu ay yihiin kuwo cad-cad, oo halbeeg lagu cabiro leh, ahna kuwa la fulin karo, oo macquul ah isla markaana ku kooban muddada 12ka bilood ah ee aan heysano.
Xildhibaanada Sharafta leh,
Arrimaha na horyaalla ee naga mudan mudnaanta koowaad waxaa ka mid ah arrimaha amniga, iyo dhameystirka dastuurka. Tani waxey noo wada sahleysaa inaan hiigsanno himiladeena oo ah in la horumariyo amniga isla markaana aan dhameystirno dastuurka. Xukuumaddan cusub waxaa ka go’an in lala yimaado ama lagu shaqeeyo si hufnaan, karti iyo tayo leh. Waxaa kaloo qorshaha ku jira maamul wanaag oo ay dhammaan hay’adaha dowliga ah ay ku shaqeeyaan, iyadoo la hagaajinayo toosinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, dhowrista xaquuqul insaanka, gar-gaarka bani’aadanimo, dib-u-heshiisiin, adeegyada bulshada iyo sidii xiriir wanaagsan uu u dhexmari lahaa Dowladda Dhexe iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.
Arrimaha Horumarinta Amniga: Amniga waa aasaaska lagu dul dhisayo dhammaan waxqabadka dowladda. Xukuumaddu waxey sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhameystiraysaa Qorshaha Nabadda iyo Xasilinta Qaranka. Waxaan xoojineynaa sidii hay’adaha amniga ay u noqon lahaayeen kuwo soo celiya sharaftii iyo karaamadii dalka. Xukuumaddu waxey dhameystiri doontaa howlgallada ay ciidamada dowladda ku soo
celinayaan amnigii, kala danbeyntii iyo ku dhaqankii sharciga. Waxaan xoojineynaa dib-u-dhiska iyo dhameystirka dhismaha ciidamada qalabka sida, daryeelka iyo tayeynta ciidamada.
Xukuumaddu waxey ka howlgeleysaa dhaqangelinta talo soo jeedintii Qaramada Midoobey ee arrimaha Xuquuqul Insaanka, tanoo dabo socotay warbixintii ay Dowladdu ka horjeedisay Qaramada Midoobey 3dii May 2011. Xukuumadda waxaa ka go’an Ilaalinta iyo dhowrista Xaquuqul Insaanka, gaar ahaan xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaanada Sharafta leh,
Dhameystirka Dastuurka: Xukuumadda cusub waxey ballanqaadeysaa in qabyo qoraalka Dastuurka la dhameystiro, si waddanka uga baxo Ku Meel Gaar-nimada oo loo helo dowlad rasmi ah. Sidoo kale waxaan ku dadaali doonaa dhameytirka howlaha KMG ah (transitional tasks). Xukuumaddu waxey si buuxda ula shaqeyn doontaa baarlamaanka gaar ahaan Guddiga baarlamaanka ee arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxbannaan, waxeyna si joogta ah uga wada shaqeyn doonaan qorshe howleed qayaxan oo waqtiyeysan iyagoo kaashanaya beesha caalamka. Waxaa la diyaarin doonaa qorshihii wacyigelinta bulshada. Waxaan si rasmi ah u bilaabi doonaa dhameystirka dhammaan howlaha xilliga kala guurka ah ee uu Axdiga KMG ah na farayo, sida hindise sharciyeedka xisbiyo siyaasadeed, guddiyada qaranka, shuruucda garsoorka iyo dhammaan hindise sharciyeedyada uu Axdiga na farayo.
Gar-gaarka Bani’aadanimo: Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo sidii shacabka soomaaliyeed loogu heli lahaa gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed. Shacabka soomaaliyeed waxaa isagu darsoomay abaaro soo noqnoqday, roobabkii oo yaraaday, kooxaha nabad-diidka oo ka hor-istaagay gurmadkii iyo dagaallo joogta ah oo dhammaantood sababay in waddanku uu galo xaalad adag oo murugo leh.
Xaaladda uu dalku maanta ku jiro waa tii ugu liidatay muddo 60 sano ah oo shacab badan ka barakacay guryahoodii. Waxaan aad ugu faraxsanahay in 3dii usbuuc ee ugu danbeysey dhammaan hay’adaha dastuuriga ah si xoog leh uga wada shaqeeyeen sidii shacabkaas loo gaari lahaa. Waxaa muhiim ah inaan sii labolaabno dadaaladaas oo ay ummadda soomaaliyeed isku tashato.
Xildhibaanada sharafta leh,
Dib-u-heshiisiin dhameystiran: Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadkeeda qaran, waxey siyaasaddeedu tahay in xalka lagu raadiyo nidaam dib-u-heshiisiin dhameystiran. Xukuumaddu waxey soo dhoweyneysaa cid allaale iyo cidii doonaysa wada hadal iyo dib-u-heshiisiin. waxaa lama huraan ah in xal buuxa loo helo xaaladda Soomaaliya si wadajir ahna aynu u wada wajahno qaab kasta iyo talaabo kasta oo aynu dalkeena iyo dadkeena ku bad baadin karno.
Xiriirka Maamulada: Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadkeeda qaran, isla markaana fulineysa Axdiga KMG ah, waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato dhammaan maamulada dalka ka jira. Waxaa waajib nagu ah inaan adeegyada bulshada gaarsiino dhammaan maamulada dalka, ha noqoto gar-gaarka bani’aadanimo ama mashaariicda horumarineed ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la isku xiro dhammaan ururada bulshada rayidka ah iyo Dowladda FKMG ah.
Xildhibaanada sharafta leh,
Maamul wanaag: Xukuumadda waxaa udub-dhexaad u ah maamul wanaag iyo in howl walba oo la qabanayo lagu qabto si xoojineysa nidaamka, kordhineysana waxqabadka howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla. Waxaa la abuuri doonaa aqoonyahanno biirsaday, waxtar, hufnaan, iyo waayo-aragnimo oo leh karti maamul. Sidaas daraadeed xukuumaddu waxey hirgelin doontaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Dhismaha Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda, gaar ahaan Garsoorka si loo xoojiyo tayada iyo waxqabadka garsoorka. Shacabku waxay naga sugayaan inaan u horseedno caddaalad, sinnaan iyo maamul wanaagsan oo shacabka siin kara kalsooni buuxda.
Xiriirka Caalamka: Si waafaqsan qodobka 69-aad ee Axdiga KMG ah, xukuumadu waxay ku dadaali doontaa sidii dib loogu soo nooleyn lahaa doorkii Soomaaliya ku lahaan jirtey golayaasha caalamiga ah iyo xiriirkii wanaagsanaa ee ay la lahayd wadamada caalamka oo ay ugu horeeyaan kuwa deriska la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee adduunka.
Xukuumaddu waxey ka qayb qaadan doontaa nabad ku wada noolaanshaha caalamka iyo la dagaalanka denbiilayaasha caalamiga ah sida argagixisada,iyo burcad-badeeda.
Sidoo kale waxay xukuumadu xoojin doontaa xiriirka jaaliyadaha qurbo joogta Soomaaliyeed iyadoo laga faa’iideysan doono aqoontooda, kartidooda iyo macluumaadka wadamada ay degan yihiin.
Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada: Waxaan abuuri doonaa mudo 60 maalmood gudahood ah Guddiga la dagaalanka Musuqa iyo Ilaalinta hantida dadweynaha oo ku meel gaar ah, oo qorshahoodu yahay soo diyaarinta sharciyadii iyo dhisidii hay’ad qaran oo la dagaalanta musuqmaasuqa iyo maamul xumada.
Xildhibaanada sharafta leh,
Adeegyada Bulshada: Iyadoo la kaashanayo hay’adaha gar-gaarka iyo kuwa aan dowliga aheyn (NGOs) iyo maamulada dalka ka jira waxaa si hagar la’aan ah loo fulinayaa adeegyada bulshada, sida waxbarashada aasaasiga ah, caafimaadka, dayactirka waddooyinka iyo dhammaan howlaha adeegyada bulshada ee uu shacabku u baahanyahay, kuwaasoo shaqo u abuuri kara dhalinyarada.
Xukuumaddu waxey dhiirigelin doontaa mashaariicda durbaba la fulin karo (quick impact projects) ee keeni kara in shacabka soomaaliyeed ay nolol ka abuurtaan, kuna helaan shaqooyin, gaar ahaan dhalinyada iyo dumarka.
Si haddaba, qorshe howleedkani u meel maro waxaa lagama maarmaan ah in loo helo dhaqaalihii lagu fulin lahaa howlahan. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay kaalin mug leh ka qaataan sidii aan u hirgelin laheyn qorshahan. Xukuumadda waxey diyaar u tahay inay la timaado nidaam fur-furan, keeni karana isla xisaabtan dhameystiran. Beesha caalamka waxaan kaloo ka codsaneynaa inay si hagar la’aan ah noogala qeybqaataan la dagaallanka argagaxisada, bur-cad badeeda, macluusha, iyo arrimaha adeega bulshada oo ay taageero muuqata ka geystaan badbaadinta shacabka soomaaliyeed.
Sidaas daraadeed, waxaan si xushmad leh idiin kaga codsanayaa idiinkuna dhiirigelinayaa inaan waqtiga yar ee aan heysano aan uga wada faa’iideysano si wadajir, midnimo, wada-noolaasho, isu dulqaad, is-faham, daacadnimo iyo ka gun gaarid himilooyinka aan hiigsaneyno ee ah inaan dalka ku soo dabaalno nabad waarta.
Marxaladda adag ee dalku marayo waxaa waajib naga saaran yahay dhismaha Hay’ad fulin oo karti iyo aqoon leh si loo dhamaystiro habsami u socodka iyo hawl maalmeedka shaqada dawladda.
Xildhibaanada sharafta leh,
Ugu danbeyntii, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa waqtigan adag ee aan ku jirno inaan si wadajir ah gacmaha is qabsano. Sidaas daraadeed, waxaan jeclaan lahaa in aan si xushmad iyo qadarin lehba idiinkaga codsado inaad xukuumadda cusub iyo barnaamikeedaba siisaan kalsoonidiina si aan u guda galno fulinta qorshe howleedka na wada horyaalla. Waxaan diyaar u ahay inaan saxo waxii dhaliilo ah ee jira, isla markaana aan soo dhoweynayo tallooyinka xildhibaanada sharafta leh.
Ilaahoow Calanka, Dhulka Iyo Maatada Nooga Badbaadi Cadawga.
Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh.
Source: Xafiiska Ra’isalwasaraha

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...