Tuesday, 26 July 2011

Mudane ka tirsan baarlamaanka oo lagu xiray wadanka Sacuudiga


Share
Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaan Maxamed Muuse Maxamed oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu xiray wadanka Sacuudiga.
Xariga xildhibaanka ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay ka dib markii lagu eedeeyay in uu lacgo ka aruuriyo jaaliyada Soomaalida ee ku nool wadanka Sacuudiga isla markaana uu lacagtaasi ku wareejiyay ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya.
Cali Macow Dalxa oo ka mid ah Ehlada Xildhibaanka oo Saxaafada la hadlay ayaa RBC Radio u xaqiijiyay xildhibaanka in lagu xiray wadanka Sacuudiga.
Waxa uu  sheegay Cali Macow in xariga xildhibaan Maxamed Muuse Maxamed in  ay ka danbeen dad ku sugan wadankaasi oo warbixino qalad ah ka gudbiyay.
Cali Macow ayaa sidoo kale waxa uu intaasi uu ku siisdaray xildhibaanka uu lacagaha u soo aruuriyay dadka Soomaaliyeed oo ay saamaynta ay ku yeelatay abaaraha ka jira Soomaaliya.
Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soobaxay dowlada KMG Soomaaliya oo ku aadan xarigaan la sheegay in loo geestay mudanahaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...