Qul qulka dadka oo ah kuwo ka soo hayaamay Gobolada Shabellaha Dhexe, Shabellaha Hoose, Bay, Bakool, Hiiraan iyo Jubada Hoose ayaa ah kuwo deegaanada ay Dowladda ka taliso gaar ahaan Caasimada Muqdisho soo abaaraya, si ay u helaan gar gaar bani'aadanimo.
Magaalada Muqdisho hada waxaa ka socdo iyo kaalmo uruurin loo sameynayo dadka sida aadka ah u liita, iyadoo Idaacadaha qaar laga bilaabay barnaamijyo ku aadan taakuleynta dadka, kuwaas oo qadka taleefanka loogu furayo si ay kaalmo ugu yaboohaan walaalahooda dhibaateysan.
Inkastoo Xarakada Al-Shabaab shalay ku dhawaaqday inay fasaxeen gar gaarkii Hey'adaha sama falka, isla markaana dadka Muslimka ah iyo kuwa aan Muslimka aheyn sheegeen inay soo dhoweynayaan hadii ay caawinaad gaarsiinayaan dadka abaaraha ayaa hadana baaqaas u muuqda mid ugub ah, iyadoo dadka ka soo cararaya deegaanada ay maamulaan yihiin kuwo xaaladooda quus tahay, isla markaana ay aad u liitaan.
Muuqaalada laga soo qaaday qul qulka dadka ayaa ah kuwo aanay indhahaada ku siineyn, caruur aad u liita macluul daran ka muuqdaan, iyo dad da' ah oo aan xitaa socon karin, baahida iyo haraadka daran ka muuqda darteed.
Dadka qaar ayaa ahaa xoolo dhaqato iyo beeraley, qaarkood xoolahooda ayaa ka le'day, sidoo kale dadkii beeraha tacban jiray ayaa labadii sano ee u dambeeyay aanay helin wax roob ah.
Goobaha sida KMG ah ay u dagayaan dadkan ayaa ah guryo dhismahooda aad qadiimi u yahay, kuwana ay ka buuqdaan bur burkii, waxaana ay ka dhisteen cooshado aanay awood u laheyn inay dhaxanta ama dhibicda roobka ka celiya, waxay dadkaas ka helaan quudin raashin lagu qeybiyo xeryo mucayin ah oo dadka Muqdisho lagu quudiyo, kuwaasoo safaf dhaadheer u gala.
Hey'adaha sama falka ayaa sheegaya in boqolaal kun ay ka soo hayaamayaan deegaanada Gobolada dalka, si ay ugu helaan gar gaar aadanimo, inta badan dadkaas ayaa hada waxay ku sii qul qulayaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala xuduudaha Kenya iyo Itoobiya.
Daawo sawirada dadka abaaraha uga soo cararay Gobolada dalka oo macluul daran ka muuqato
























No comments:
Post a Comment