Thursday 21 July 2011

Raxanreeb & Sawiradii Isbuuca 22/07/2011 (Photo News)



Magaalada Garowe ayaa waxaa ka socda Dhismaha Guryaha waaweyn ee la isugu faanayo iyadoo loo dhiso Hab Gaar ah Dhismahaan waa mid Iminka socda waxaa uu ku yaal Jidka wayn ee Global waa Dabakh aan wali la dhamaystirin, dhismayaasha waaweyn ama dabakhyada ah taasna waxaa saamaxaya nabada ay u wada guntadeen shacabka Puntland taasna waa xaqiiq

Halkaan waa xarunta Cilmi Baarista Puntland oo magaceeda loo soo Gaabiyo PDRC ee kutaala bartamaha Garoowe xaruntaan waxa ay aad isaga howshaa wacyigalinta iyo baahinta sidii wax looga qaban lahaa baahida dadka iyo dalka waxaana la oran karaa waxa ay kaalin aad u balaaran ka qaadataa horumarka deegaanada Puntland.

Jidadka waaweyn ee magaalada Garowe ayey ka mid tahay wadada aad sawirkan ku aragto waxaa ay ka bilaabataa laamiga waxaana ay Gaartaa Buuraha ku xeeran magaalada dhawaan ayaa la Habeeye waxaana lagu magacaaba Jidka Global, Caasimada Puntland waxaa loo sameeyey waayadaan danbe wadooyin aad u waaweyeyn oo ka tarjumaya horumarka laga garay dhanka wadooyinka.

Ninkan waxaa uu saaranyahay Dhisme Cusub, waxaa uu ka mid yahay Dhalinta ka shaqeeya Guryaha Dhaadheer waxaa uu saarayaa Guriga Jiley, horumarka aad baa laga sameeyey naqshadaha dhisida guryaha taas waxaa u sabab ah iyada oo qurba joogtada puntland u dhashay aad u maal galiyaan dalkooda Soomaaliya oo ay ka dhistaan dhismayaal naqshadahooda aad loo qaabeeyey.

Halkaan waa garaash aad u weyn oo ku yaala Garoowe laguna sameeyo gawaarida xamuulka ah qaasatan kuwa lagu magacaabo Dheynaha ee caanaha qaado dhaqdhaqaaqa ka ganacsiga caanaha ayaa aad u balaartey sanadihii ugu danbeeyey maadaama degaanada Puntland maadaama ay puntland tahay meelaha ugu nabdoon Soomaaliya.

Gurigaani waxaa uu ku yaal xaafada kowda ogoosto waxaana ku socda dhismaha waxaa uu ka mid yahay dhismayaasha socda ee iminka laga dhiso magaalada Garowe.

Gaadiidkan waa B L ka waxa ay ka dhex shaqeyaan xaafadaha caasimada Puntland e garoowe, caasimada ayaa si xad dhaaf ah u weynaaneysa waxaana adag in looga dhexlugeeyo B L ka ayaana aad looga isticmaala caasimada Puntland ee Garoowe.

Sawirkani waa wadada laamiga ah ee Dhexmarta magaalada Garowe waxaa iminka isku dhaafaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo aan kala lahayn iyagu jidka ee wada mara.

Halkaan waxaa aad ku aragtaa dhisme ku yaal dhinaca laamiga waa Goob laga Qaxweeyo oo lagu magacaabo New Waamo waxaa fariista dadka aan shaqayn, dhalinyarada xiliyada ay nasashada ku jiraan waxaa ay ka soo horjeedaa Aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe

Dhismahaani waa Qabyo waa Gurigii Qaybta Booliiska Nugaal waxaa ku socda Dhisme iyo Dayactir waxaa uu saaranyahay wadada Laamiga sidii ay u dhistay Dowladii soomaaliya ayuu u dhisnaa Dayactirkan ka hor.
Gaadiidkani waxaa ay Garoowe soo Geliyaan Dhuxusha Cuntada lagu karsado ee laga shido Geedaha waxaana ay ka keenaan Howdka Gobolka Sool iyo Meelo ka mida Sanaag.

Sawirkani waxaa uu ku Tusayaa isla dhuxusha oo saran Gaari nooca loo yaqaan Dyne oo Taagan Goobta Dhuxusha la Keeno.

Caasimada Puntland ee Garoowe tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa ku soo qulqulayey dhamaan soomaaliweyn oo idil oo u arkayey in ku nabadgali karaan sida aad sawirkaan uga jeedaan waa wiil yar oo ururinaya waxyaalaha Daatay si uu dib ugu Cuno naf ahaantiisu
Halkani waa wadada loogu magic daray Islaan Maxamed Allah unaxariistee oo kamida Wadooyinka Dhawaan la Hagaajiyey ee magaalada Garowe

Waa wadad Global oo Banaan oo aan Gaadiid iyo Dad midna xiligaa marayn xiligan oo ah 1dii barqanimo oo sida caadada ah Soomaalida ay u hurdo tagaan guryahooda ayaan inta badan aadan ku arkeynin cid socota wadooyinka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...