Tuesday 19 July 2011

Ciidamada Itoobiya oo Bandaw Habeen iyo Maalin ah kusoo rogay Beled Xaawo.


somalimemo.netCiidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad Soomaali ah ayaa bandaw adag kusoo rogay degmada Beled Xaawo ee wilaayada Gedo oo habeen hore ay dagaallo culusi ka dhaceen.

Boqolaal katirsan ciidamada Itoobiya ayaa gudaha usoo galay degmada kadib markii ay ciidamada mujaahidiinta qaab taak tiik dagaal ah degmada uga bexeen kadib qabsashadoodii.

Howlgallo ay gudaha degmada ka sameeyeen maleeshiyaad dabadhilifyo ah ayay kusoo qab qabteen dad ay uga shakiyeen in ay katirsanyihiin mujaahidiinta, goob joogayaal ayaa SomaliMeMo u sheegay in xaalad cabsi leh ay ka jirto degmada waxaana lamaqlayaa rasaas goos goos ah.

Ciidanka Itoobiya ee Beled Xaawo soo galay ayaan wax baaritaano ah wedin marka laga reebo in ay ku adeeganayaan kuwa Murtadiin dabadhilifyo ah.

Bandawga lagusoo rogay Beled Xaawo waa mid habeen iyo maalin ah, saraakiil katirsan maleeshiyaadka Somalida ee Itoobiya raacsan ayaa dhawaan sheegay in shacabka ku dhaqan Beled Xaawo 50% ay qalbiga ka taageersanyihiin shabaabul mujaahidiin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...