Tuesday 19 July 2011

Barakacayaasha Bay iyo Bakool ee ku Sugan Muqdisho oo Isweydiinaya Kaalinta Shariif Xasan! (Warbixin)


Muqdisho (RBC) Iyadoo abaaro baahsan oo guud ahaan saameeyey gobolada koonfurta Soomaaliya ay ka taagan yihiin dalka oo dhan, ayaa haddana gobolada Bay, Bakool iyo Gedo waxay noqdeen kuwa ugu daran ee xaalada bani’adanimo mida ugu hooseysa ay ka jirto.
Ka sokow abaaraha ka taagan wadanka, waxaa saddexdaasi gobol u sii dheer colaado mudo dheer ku soo laalaabanayey gobolada maadaama ay xarun u ahaayeen dawlaadii KMG ee xilligii C/laahi Yuusuf iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo deegaanka si weyn uga hawlgala illaa hadda.
Sidoo kale wax soo saarka saddexdan gobol oo ku tiirsanaan jirey xoolaha iyo beeraha ayaan dadku helin roob ay dhulka ku tacbadaan si ay beero uga qotaan, arintaasi oo markale yareysay dhaqdhaqaaqii dadka ay ku sameyn lahaayeen wax uun shaqo ah si ay noloshooda ugu kaafiyaan.
Arimahaasi oo isbiirsaday ayaa saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Gedo waxay ka dhigtay meel dadkii ku noolaa ay u kala hayaameen xuduudaha Kenya iyo Ethiopia iyadoo dadka ka qaxay goboladan ay hadda buux dhaafiyeen xeryaha qoxootiyada ee labadaasi dal.
Waxa intaa dheer in tiro DKMG ay ku qiyaastay inay ka badan yihiin 10,000 qoys badankoodana ka yimid saddexdaasi gobol ay hadda ku dacdareysan yihiin gudaha caasimada Muqdisho.
Shariif Xasan iyo kaalintiisa abaaraha
Afhayeenka barlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Adam ka sokow xilka barlamaanka uu ka hayo haddana waxaa uu ka mid yahay masuuliyiinta dawlada ee uu xilka ka saaran yahay inay u istaagaan sidii dadka dhibateysan guud ahaan loo caawin lahaa. Wuxuuna waajib umadeed ka saaran yahay isaga iyo madaxda kale ee DKMG inay masuuliyadooda ka saaran dadka gaajada ugu dhimanaya Muqdisho- bal intaan meel kale la gaarin.
Hase yeeshee NASIIB DARRO, Shariif Xasan xitaa kama uusan hadlin abaarta ka jirta dalka iyo kumanaanka qoys ee ka soo firxanaya deegaankii uu dhalasho ahaan ka soo jeeday kuwaasoo maalin walba aad ku arkeyso waddooyinka Muqdisho iyagoo daadsan.
Haweeney ka mid ah barakacayaasha ku jira Xerada Badbaado
Marka dib aan ugu laabano hay’adah dawlada ee saddexda ah, xukuumda oo uu hogaaminayo raysul wasaare C/weli Gaas waxaa beryahan ay qaadeen olole loogu gurmanayo dadka tabaaleysan iyagoo raashiin kooban, lacago iyo dibu dejinba u sameeyey ku dhowaad 5,000 qoys oo ka mid ah dadka soo barakacay. Waxaana dadkaasi hadda la geeyey xero loogu magacdaray ‘BADBAADO’ taasoo laga hirgaliyey duleedka degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale madaxtooyada waxay illaa labo jeer soo saartay baaqyo beesha caalamka gurmad loogu weydiinayo barakacayaasha. Waxaana taa xigtay in madaxweyne Shariif Axmed uu ku dhawaaqay in lacag gaareysa nus milyan doolar akoon gaar ah loogu shubay dadka barakacayaasha si quudin loogu sameeyo.
Laakiin, Mudane Shariif Xasan waxa uu weli u muuqdaa nin aan maqlin in dalkii dhibaato ka jirto oo aan ka warheyn in wadooyinka caasimada ay carruur iyo hooyooyin habeen kasta gaajo iyo qabow ugu dhimanayaan, isagoo iskaba daa wax kale ugu deeqi kara lacagaha xaddhaafka ah ee uga baxa safarada dibada uu ku tago oo markiiba ku kaca in ka badan $60,000 (lixdan kun).
Xitaa marka laga soo tago in deegaanadii uu ka soo jeeday dadkii Soomaaliyeed ee ka soo barakacay oo Shariif Xasan masuuliyad gaar ah ka saaran tahay, miyuusan arkin xilka ummadeed ee uu guud ahaan u hayo dadka Soomaaliyeed?.
Xaaladda Abaarta dalka
Baaxada abaaraha dalka ka jira ay leeyihiin darteed, waxaa baaqyo qeylo dhaan ah soo saaray hay’adaha shisheeyeiyo xitaa madaxda wadamada deriska iyo kuwa gobolka.  Waxaana madaxdii abaaraha Soomaaliya ka hadashay ka mid ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku tilmaamay “musiibo guud oo Soomaaliya ku habsatay“.
Baaqyo qeylo dhaan ah waxaa sidoo kale soo saaray ururka Al-Shabaab oo hore u xayiray hay’adaha samafalka balse markii ay garowsadeen baaxada dhibaatada dib u fasaxay hay’adaha samafalka gaal iyo Muslinba.
Aaway Shariif Xasan?
Wuxuu beryahan ku mashquulsan yahay golaha wasiirada oo ay isku heystaan  isaga iyo madaxweynaha.  Waxaa la leeyahay wuxuu rabaa inuu xukuumada cusub ku yeesho illaa 7 wasaaradood oo uu isagu wato.  Waxa la leeyahay wasaarada maaliyada ayuu ku gorgortamayaa!.
Waana taa mida Mudane Shariif Xasan ilawsiisay u gargaarida dadka abaaruhu saameeyeen?   Laakiin waxaa xusid mudan in barakacayaasha ku jira xerada Badbaado oo aan dhowaan la kulanay waxay weli tabayaan kaalinta Shariif Xasan kaga beegan gurmadka abaaraha.!
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...