Tuesday 19 July 2011

Shabaabka iyo Dhibaatooyinka ay ku haayaan Shacabka ay Maamulaan


Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo deegaanada  dadka ay ku barakaceen ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho ay maamulmihii ugu danbeeyay ay Al-Shabaab u sameeyeen ciidamo ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada,ayaa hadana waxaa dhacday arin layaab leh oo ay Al-Shabaab sameeyeen.
Xili ay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye  mashquul ahayd oo ay isugu yimaadeen gawaari aad ubadan ayaa  ciidamada Al-Shabaab waxa ay sameeyeen dhacdo layaab leh.
Waxaa dhacday iyadoo gawaari badan ay wadada taaganyihiin isla markaan ay doonayaan in ay isdhaafaan in ciidamada Al-Shabaab ay Banjariyeen Gawaari badan amama ay aaryo bixiyeen kuwaas oo ay ku eedeeyeen in aysan istaagin meel sharci ah.
Waxaa la sheegay Gawaarida ay Fariisiyeen Al-Shabaab in ay isugu jireen kuwa dad waynuhu ay raacaan iyo kuwo Xamuul ah oo ahaa gawaarida waawayn.
Gawaaridaan ayaa waxaa la sheegayaa in xiligaan ay yaalaan wadada dhinaceeda, waxaana arintaan cabasho balaaran ka muujiyay dadkii lahaa gaadiidka ay Shabaab ay talaabadaan ay kula kaceen.
Wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa ah wadada kaliya oo ay xiligaan isticmaan Gawaarida ugu badan ee ka baxa Muqdisho iyo kuwa soogala intaba.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa si aad ah u badan dhibaatooyin ay gaadiidlayda kala kulmaan maliishiyaadka kooxda Al-Shabaab.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...