Tuesday 19 July 2011

DEG DEG: Is rasaaseyn Ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa Gudoomiyaha Baarlamaanka goor dhow dhex martay

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Is rasaaseyn u dhaxeysay Ilaalada Madaxweynaha iyo kuwa Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa goor dhow ku dhex martay Afaafka hore ee Madaxtooyada, iyadoo xiisad ay ka taagan tahay.

Ilo wareedyo Shabakada Jowhar.com ka heshay Madaxtooyada ayaa sheegaya in Iska hor imaadka uu sababay markii Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka uu soo galay albaabka hore ee Madaxtooyada, deetanada Ilaaladii albaabka ku sugneyd ku amreen in la baaro, hase ahaatee uu diiday waxaana taasi keentay inuu u gacan qaado sarkaalkaas askarigii ku amray in baaritaan uu maro.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sarkaalka kadib ay xireen Ilaalada Madaxtooyada, waxaana markii dambe taasi keentay in Kooxo kale oo ka tirsanaa Ilaalada Shariifka ay ku soo baxaan arrinta, dabadeedna ay rasaas soo furaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyntaas uu ku dhintay Sarkaal ku sugnaa albaabka Madaxtooyada ee ahaa kuwa Ilaalada hayay.

Xaalada ayaa markii dambe qabowday markii ay ku soo baxeen Ciidamada AMISOM oo hada la sheegay inay la wareegaan Ammaanka Albaabka hore ee laga galo Madaxtooyada.


Waxaa isa soo taraya warar kala duwan oo ku saabsan is rasaaseyntaas oo qasaaraha la sheegayo inuu ka badan yahay dhimashada sarkaalka oo ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaartay Ilaaladii ku sugneyd afaafka hore ee Madaxtooyada.

La soco wixii ku soo kordha.




Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharnews@gmail.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...