Monday 18 July 2011

Kooxo hubaysan oo Saraakiil ka tirsan Somaliland ku dilay Laasacaanood



Laasacaanood: (Sh. M. Network)  Kooxo hubaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay Magaalada Laasacaanood ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Maamulka Somaliland, iyadoo dhinaca kale howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Maamulkaasi ay kusoo qab qabteen dad looga shakiyay inay ku luglaaheeyeen dilalkaasi.

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi xalay iyo maanta lagu dilay labo Mas’uul oo ka tirsan Maamulka Somaliland sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen dadka deegaanka oo ay xiriiro la sameysay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxo hubeysay xalay iyo maanta magaaladaasi ay ku toogteen Sarkaal ka tirsan Maamulka Somaliland oo aan magaciisa la shaacin iyo sidoo kale haweeney lagu magacaabo Dahabo Cilmi Tuute oo la sheegay inay ka tirsan tahay Sirdoonka Maamulkaasi.

Kooxaha dilay labadaasi Sarkaal ayaa waxa ay wararku sheegayaan in markii ay dilka gaysteen ay halkaasi isaga baxsadeen, iyadoo ilaa iyo imninka aan la’ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Saraakiishaasi hase ahaatee waxa la sheegay in ciidamada Somaliland ay magaalada ka wadaan howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka danbeeyay falalkaasi.

Howlgalka ay ciidamada ka wadaan magaalada Laaascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa la sheegay inay ku qabteen 10-ruux oo ay ka mid yihiin ganacsato kuwaasi oo looga shakisanyahay inay ka danbeeyaan dilalka xalay iyo maanta ka dhacay magaalo madaxda gobolka Sool.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal iyo qaraxyo qorsheysan oo loo geysto Mas’uuliyiinta Somaliland, waxana dilalkani ay imaanayaan  xili kulan looga hadlayay amaanka magaaladaasi uu kusoo gaba gaboobay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...