Sunday 3 July 2011

Daaroodoow Xaal-Qaado:Hawiye Turub Baray (Maanta Waa Maalin weyn mar hadii Hawiye Magaalada Muqdisho Mareexaan ugu Mudaaharadaayo

Written by Administrator   
Friday, 10 June 2011 16:10

Bilowgii Sanadkii 1991 Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kacdoon siyasadeed kaasoo looga
horjeeday Al-shariif Maxamed Siyaad Barre Alle ha u raxmadee oo xiligaas wadanka madax ka ahaa dad badan ayaa Maal iyo muruqba ku bixiyay sidii loogu taqalusi lahaa Madaxweyne Siyaad barre iyagoo aan gadaal ka fakarin wax xigi doona oo ay olole ku qaadeen sidii kursiga loogu tuuri lahaa.

Shacabku waxa ay ahaayeen kuwa fikrad qaldan ka aaminsan Qabiilka Daaroodka oo canugkastaahi Soomaaliyeed Si gaar ah isaga eegayay Qofkii loo sheego inuu daarood yahay iyagoo Cuqdad lama illaabaan ah Caloosha u geliyay mana aqaano waxa ay ka haleeyeen, waxaan arkay guryo badan si aaad ah loo ja jabiyay kuwaas oo ay lahaayeen dadkii wadanka laga burshay oo daaroodka ahaaa.,
Daroodku waa hore ayuu isaga cararay xamar oo Guryo laga fiiqdo iyo hanti laga dhacay waxba uma arkeeynin waxa ayna ku gaabsadeen (Hawiye Futo madoobe iyagaaba talada ku heshiin doonin waan u firaaqeynay wadanka)


Si aad ah ayaa loo xusuustaa wixii laga dhaxlay Dumintii Dowladii Siyaad-Bare oo dadkii ka danbeeyay ridistiisii ay ka shalaayeen, oo ay noqotay in ay xaaladu sii daba dheerato halkii laga sugayay Dheef ay dhib soo jiiteen oo illaa mudo 20 sano sii socoto marxalad aan is badalin oo dad badan isaga Cararay Soomaaliya oo dhan iyagoo ka cararaya dhibaatada aan dhamaadka laheyn iyo dhimashada Micno darada ah halka kuwa kalena badaha Calamka ku shiidmeen iyagoo ka cararaya Colladaha ka dhacaya Wadankan.

Shirar badan ayaa la qabtay kaasoo la isugu keenayay dadka isku haysatay talada Dalka Soomaaliya Si xaalada adag wax loogu qabto waxaana talada dalka lagu qeeybsanayay 4.5 Daaroodkuna taladaas ayuu wax ka lahaa sidaas ayeyna ku qaadan jireen xubintooda waxaana ku soo aadeysay madaxweyne ama raiisul wasaare oo ay Xaq u lahaayeen sida la qorsheeyay oo uu 4.5 ku ahaa.

Hadaba waxba yaanan sharaxaadaas ku fogaan oo aan u galo Qoraalkaygan aqristoow waxaan rabaa inaan Sharaxaad ka bixiyo wixii dhacay maalinimadii Qamiista 9/6/2011 kaasoo ahaa Mudaaharadyo lagu diidan yahay Qodobadii kasoo baxay heshiiskii ka dhacay Uganda ee ahaa inuu is casilo Ra iisul wasaaraha Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo

Dad badan oo reer Muqdisho ah markii ay cidaacadaha ka maqleen Qodobkaasi ah inuu is casilo Farmaajo waa ay ku qanci waayeen oo waxaa dhacday in Mudaaharadyo waaweyn ay ruxaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ugu sii darnaa dad aad u careysan oo Air-port ka Aadan Cadde ku sugayay laba Shariif Madaxweynaha iyo Shariifka Baarlamaanka, oo ay si aad ah ugu careesnaayeen ayna taladoodu aheyd in ay Dhagaxaan ooda kaga jafaan balse arinku waxa uu xasilay markii diyaaradii aysoo degtay uu ugu horeyntii kasoo degay raiisul wasaare farmaajo oo la socday madaxweyne Shariif Sheeq Axmed.

Shacabka oo aad u kacsanaa Shucuurtooda ayaa ag dhoobtay guriga raiisul wasaaraha xili Casar liiqa ah oo Cad ceeddu ay sii dhaceysay waxa ayna kula hadleen Ra iisul wasaaraha aga gaarka gurigiisa waxa ayna u sheegeen in meesha ay joogaan aysan ka tageen illaa uu kaga cadeeyo inuusan ka dageynin xilika uu hayo ee ah Ra iisul wasaare nimada eyna ku qanacan yihiin.

"Addaa noo ah Madax weyne Addaa noo ah raiisul wasaare, Addaa noo ah raiisul baarlamaan waan ku ayidsanahay waxaad naga qabatay cadowga, waxaad noo furtay Albaab Cusub kuma illaabeyno noo joog anagaa ku rabna" intaas oo erayo ah waxaa ku qeylinayay dadkii Ag dhoobnaa agagaarka guriga ra iisul wasaaraha.

10/6/2011 maalinamdii jimcaha waxaa misana is abaabulay banaabaxayaal aad u tiro badan oo ka xoog badnaa kuwii Qamiistii iyagoo rabshada wata oo xiray Dhamaan wadooyinka oo dhan kaasoo sababay in ay ku dhintaa 4 qof halka ay lix kalena ku dhaawacmeen mashaqadii ugu darneyd waxa ayka dhacday Hotel ku yaala Deg mada Xamar jajab ka dib markii ay rasaas ay ku fureen illalada hotelka dadkii banaanbaxayay oo ay hal qof ka dileen midna ka dhaawaceen ka dibna dadkii banaanbaxayay ay Hotelka Madiina Dab Qabadsiiyeen iygoo laga celin waayay Xitaa hadii ay yimadeen Ciidamadda AMISOM waxa kaloo jiray degmada Dharkiineey banaanbax Sidan oo kale ah mar uu ka dhacayay ku dhintay mid ka mid ahaa dadkii banaanbaxay oo Askeri ahaa kaasoo isagana ay xabadeeyeen ciidamada Degmadaasi ku sugnaa.

Dibad baxyadan oo dhan ayaa leh hal ujeedo kaasoo ay ku dalbanayaan Shacabka in laga laabto goaankii ay Madaxada Dowlada kusoo gaartay Wadanka Uganda kaasoo ahaa in la rido xukuumada uu madaxda ka yahay ra iisul wasaare farmaajo,
Mar uu radioga qaranka ka hadlayay Mudane farmajo ayaa sheegay in uu maqlay fariinta Shacabka "aad iyo aad waan maqlay fariintiina waana in aan aqbalnaa taladiina Dalkana talo ayaa ku leedihiin, hal mid ayaan ka codsanayaa dad ka Dibad baxaya in ay joojiyan rabshadaha, Mid kalena waxaan ka codsanayaa Ciidamada Qalabka Sida in aysan beeldareeyn fursadan qaaliga ah".

Xildhibaano aad u fara badan iyo Masuul yiin Soomaaliyeed ayaa iygana si aad ah ugu soo horjeestay goaamada kasoo baxay Shirkii Uganda ee ahaa in ra iisul waaaraha Xilka dhigo waxa ayna sheegeen in aysan aqbaleynin go,aankaas Gudoomiye ku xigeenka Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Canab Cali ayaa Sheegtay in ay si buuxda ugu soo horjeeddo go,aankaasi " Baankiimuun waa inuu xilka ka qaadaa Mahiiga, mahiiga waan kasoo horjeednaa Shariif Sakiin ha dhaco Waxa uu ka soo hor jeedaa hor marka dalka".

Sido ,kale Dhamaan Ciidamada Qalabka sida waxa ay kasoo horjeesteen go,aankaas oo si cad ah u diideen , waa markii ugu horeysay ee Shacabka Soomaaliyeed Isku raacaan Arimo ku saabsan Siyaasada oo ay hal meel ugu soo horjeesteen.

Hadaba lama oga sida ay xaaladu ku danbeyn doonto iyagoo Goaanadaasi lagu gaaray Uganda ay ansixiyeen Midowga Afrika iyo masuulyiin kale oo Caalamka ka tirsan iyagoo qalinka kuwada saxiixay in madaxweynaha uu talada sii hayo mudo halsano ah islamarkaana Xukuumada Maxamed C/llahi farmaajo Daaqada laga tuuro, balse Shacabka Soomaaliyeed ayaa goan ku gaaray in ay sii wadayaan Dibad baxyada illaa ay ninka ay rabaan ee farmaajo uu xilka u hayo
Isku soo wada duuboo waxaan kusoo qatimayaa Qormadeydan hadal uu yiri nin Maalintii qamiista heyd nin taagnaa iridka Air-Port,ka oo u riyaaqsanaa Dadka Mudaaharaadayay waxaan uu yiri  !!"Daaroodoow Xaal-Qaado:Hawiye Turub Baray (Maanta Waa Maalin weyn mar hadii Hawiye Magaalada Muqdisho Mareexaan ugu Mudaaharadaayo


W/D Asad Abukar Cali (Asad Yare)
E-mail asaddhayow@hotmail.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
asaddhayow@gmail.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Mogadishu - Somalia

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...