Sunday 3 July 2011

Cali Khaliif oo Dhabar-Jebin ku sameeyay SSC


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 26 June 2011 19:31

Proffessor Cali Khaliif Galeydh oo ka mid ah siyaasiinta SSC ayaa khadka Teleefoonka uga qeyb-galay kulan galabta lagu soo gaba-gabeeyay Degmadda WidhWidh oo ka tirsan Goboladda SSC loo yaqaan,inkastoo hadda inqilaab aan dhiig ku daadan ay kula wareegeen maamulka Somaliland kadib markii arintan ay u sahleen madax ka tirsanaa Jabhadda SSC oo uu hormuud ka yahay Cali Khaliif.

Warar si hoose loogu soo dusiyay Webka Caalamiga ee Shacabkamedia ayaa sheegaya in shirkan galabta lagu soo gaba-gabeeyay Degmadda WidhWidh la isku raacay in Goboladda Sool,Sanaag iyo Ceyn la hoos keeno Maamulka Somaliland,inkastoo ay adag-tahay in qodobkan uu hirgalo maadaamo inta badan Shacabka Gobolaadaas ku dhaqan aysan raali ka-aheyn inay hoos yimaadaan Xukuumadda Siilaanyo.

Sababta waqtigan ku keliftay Professor Cali Khaliif Galeyr inuu dantiisa ka hor-mariyo danta Beesha SSC ayaa loo badinayaa iyadoo loo ogolaaday inuu Gobolada Somaliland ka furto Shirkad Isgaarsiineed oo la magac baxday (Dal-Som)

Waxaa xusid mudan inaan horey u soo bandhignay in Shirkii London lagu qabtay ee lagu heshiisinayey madaxda SSC uu soo abaabulay Cali Khaliif,ujeedada ka dambeysana waxaan ku sheegnay inuu doonayo inuu Goboladda SSC ku qabto gogol nabadeed uu ku heshiisinayo Maamulka Somaliland iyo SSC,waxaana noola xaqiijiyay in 3-nin ee ka tirsanaa Golaha Khusuusiga uu isagu lug ku-lahaa inay ka qeyb galaan Shirka galabta lagu soo gaba-gabeeyay Degmadda Widh-Widh.

Hadaba taageerayaasha Xaq-udirarka ee SSC qaasatan kuwa Qurbaha ku-sugan ha iska qabtaan calooshood u-shaqeytayaal Dhulbahante ah oo Karaamadii iyo Sharaftii magaca Daraawiishta ku caan-baxday hoos u-dhigay,waana inaad iska qabataan Munaafiqiinta dhaqaalo-doonka ah ee sababay maanta in Deegaamadii Daraawishta marba Degmo lala wareego,sida galabta dhacday in Degmadii WidhWidh iyadoo aysan dhiig ku-daadan ay la wareegeen Somaliland

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...