Sunday 3 July 2011

Isu Dhageyso Muxaaradooyinka Sheekh Maxamed Idiris iyo Murtad C/Weli Gaas ay ka Dhaheen Itoobiya! Idiris oo Mujaahidiinta Caayaya iyo Gaas oo Itoobiya Eedeynaya!



Somalimidnimo.com:- Waligaa ma maqashay wadaad carruurta hortooda ka leh: : what the hell are you talking about? Iyadoo dadka dadka dhegahooda ka qiiqayaan wadaaddadii Tigreega isu dhiibay oo la arkay iyagoo calankii Tigreega qoorta ku sita baa sheekh Maxamed Idiris wuxuu bilaabay inuu dadka handado oo xujo ka dhigto C/Laahi Yuusuf iyo Cumar Xaaji Masalle baa Itoobiya isu dhiibay sidaas darteed dhib ma leh haddii Ictisaam u galeen gaalo!
Toddobaadyo ka hor wuxuu soo dhoweeyey kacdoonka Carabta haddana wuxuu leeyahay waxaa dhaama in Qadaafi, Asad, Xusni Mubaarak, iyo Bin Cali joogaan! Timahoodu isku dhan uma xiirmo!
Maxamed Idiris oo beer dulucsanaya Majeerteenka wuxuu yiri Qandaluu ku dhashay! Wuxuu leeyahahay Qandalaa adeeg fiican lahayd 1972-kii! Wuxuu leeyahay Qandala waxay lahayd boosto, isbitaal, iyo iskuul! Wuxuu yiri: warqad baa dibadda la iga soo dari jiray!
Waxaan shaki lahayn iska dhaaf Qanadalee marka horumarka la eego; Bari waxay boqolkiiba kun jeer xagga horumarka cirka gashay Kacaankii kaddib!
Wuxuu ka Cududaartay Mujaahidiinta iyo Amisomba! Haddii Xaqii iyo Baadilkiiba la diido; maxaa u dhaxeeya?
Wuxuu ku tashay in la iska samro! Waa FASBIRUU!
Calaal kulu xaal ma aha nin mowqif leh: wuxuu rabaa inuu yiraahdo: hebel gar leh; hebelna gar leh! Wuxuu sidii dhex dabaashay Juqraafi iyo Singabuur!
Kollay hadda wadaadku wuxuu Soomaalida Minnesota ka dhaadhicinayaa inay iska iloobaan Soomaaliya! Wuxuu yiri: waxba idin kama jiraan! Ma idin la tahay inuu ka wado: anaa Minnesota imid ee aniga ii imaada oo ii imaada aan idiin muxaadareeyo oo hortayda iska gabranaada! Hadduu dhaho: Zenawi waa ok la raaco! Marka murtad Gaas waa siyaasi oo eedeynta Itoobiya waxba ma aha laakiin waxaan dadka tuseynnaa in siyaasiyiintu markay dan leeyihiin eedeyn karaan Tigreega laakiin sheekh Maxamed Idiris uusan eeden karin Tigreega uu mar kasta Mujaahidiinta caayo!
Kollay markii sheekh C/Raxmaan sheekh Cumar u galay Tigreega buu rabaa inuu khaladkii Ibraahim-dheere surka ku gashay calanka Itoobiya in la taageero. Hadda wuxuu bilaabay Harti Daarood oo Minnesota jooga inuu ku harowsado: idinkuba Amxaaraad soo wadateene; maxaad naga rabtaan.

Halkan ka dhageyso sheekh Maxamed Idiris is xabeebinaya!



Halkan ka dhageyso murtad C/Weli Gaas markuu la jiray Yuusuf oo uu ka soo horjeedi jiray Shariif. Inkastoo murtadiintu aysan mowqif lahayn haddana mar buu Itoobiya wax ka sheegay halka sheekh Maxamed Idiris waxba ka sheegin Itoobiya!

Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...