Tuesday 19 July 2011

DEG DEG: Faahfaahin Dheeri oo ka soo Baxaysa Israsaaseyntii Villa Soomaaliya (Sarkaal la Socday Raysul Wasaaraha oo Geeriyooday)


Muqdisho (RBC) Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa israsaaseyn goor dhoweyd ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya taasoo dhexmartay ciidamo ilaalo u ah afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan iyo madaxweyne Shariif.
Wararka ugu dambeeya ee aan ka heleyno xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in hal ruux uu ku geeriyooday dagaalka mid labaadna uu ku dhaawacmay. Waxaana ruuxa uu geeriyooday uu ahaa sarkaal dhanka amniga u qaabilsanaa raysul wasaare C/weli Gaas oo xilligaasi goobta ku sugnaa kaasoo magaciisa lagu sheegay Carab.
Ninka labaad ee dhaawaca ah ayaa ka mid ahaa ciidan ku sugnaa madaxtooyada oo aan weli la ogeyn dhanka uu ka tirsanaa.
Israsaaseyntan ayaa ka dhalatay muran dhexmarey ciidanka ilaaliya xafiiska madaxweynaha iyo nin la socday afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan oo sitay bastoolad kaasoo isku dayey inuu xoog ku galo xafiiska gaarka ee madaxweynaha oo waqtgaasi ay ku wada sugnaayeen madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare C/weli Gaas.
Amaanka xafiiska madaxweynaha iyo guud ahaan madaxtooyada ayaa aad loo adkeeyey iyadoo ciidanka Amisom ee ilaaliya madaxtooyada ay xireen dhamaan irdaha xafiiska madaxweynaha, waxaana xilligan kulan gaar ah wada leh raysul wasaaraha iyo madaxweynaha oo ka tashanaya magacaabistii golaha wasiirada.
Saraakiil ku sugan madaxtooyada ayaa RBC Radio u sheegay in ninka la socday Shariif Xasan uu rabay inuu bastoolada la galo xafiiska madaxweynaha oo hubka ka mamnuuc ah, taasina ay khatar gelineyso amaanka masuuliyiinta.
Xaalada ayaa hadda degan waxaana xarunta madaxtooyada lagasaaray ciidankii la socday Shariif Xasan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...