Madaxweyne Shariif oo booqashadiisa ku wehliyeen Ra'iisul Wasaare xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska iyo Saraakiil kale.
Xerada cusub ee Badbaado ayaa Madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Gudiga Abaaraha, isagoo halkaas ku kormeeray goob dadka lagu quudiyo ee raashinka lagu kariyo, isagoo dhadhamiyay raashinka loo karinayay barakacayaasha.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu tagay goob caafimaad oo ka furan Xerada Badbaado ee lagu daaweeyo dadka dhibaatada heysa iyo caruurta nafaqada darada ah, waxaana uu sheegay in wax badan iska badaleen xaaladihii hore, isagoo uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyed sida ay ugu kaceen gurmadka dadka abaaraha ka soo barakacay.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu uga mahad celiyay qaar ka mid ah Hey'adaha sama falka oo codsigooda ka soo jawaabay, waxaana halkaas uu ku gudoonsiiyay deeq ka timid Gudiga gurmadka abaaraha oo isugu jirtay Darimo iyo alaabo kale loogu tala galay barakacayaasha.
Intaas kadib ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka soo tagay xeradaas, isagoo gaadiidka uu saarnaa ee Ciidamada AMISOM kaga degay Xaafadaha degmada Madiino, isagoo lug ku maray jidka Laamiga ee hor marta Saldhig Galbeed, Xaafada Dabakaayo-Madow iyo dhismayaal ganacsi oo ku yaala hareeraha wadooyinka.
Dadweynaha reer Madiina ayaa lama filaan ku noqotay socodka uu Madaxweynaha xaafadahooda ku maray, kuwaasoo qaarkood soo buuxiyay wadada hareeraheeda, isla markaana sacab iyo hadalo soo dhoweyn ah ku hadaaqayay.
Madaxweynaha ayaa gacan qaaday dadkii hareeraha wadada taagnaa ee isugu soo baxay si ay u soo dhoweeyaan, waxaana ay aheyd markii u horeysay ee Madaxweynaha mid ka mid ah Xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir aadka loogu soo barakacay uu socod ku maro.





No comments:
Post a Comment