Wednesday, 20 July 2011

DEG DEG: Liiska Golaha Wasiirada DKMG oo Goor Dhow Lagu Dhawaaqay (Faahfaahin+Sawiro)


Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta Mudane Avv Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil
Muqdisho (RBC) Waxaa goor dhow si rasmi ah loo shaaciyey xubnaha golaha wasiirada DKMG Soomaaliya kuwaasoo mudooyinkanba la isku hayey isla markaana laga sugayey inuu raysul wasaare C/weli Gaas soo magacaabo.
Liiska golaha wasiirada waxaa shaaciyey oo saxaafadda u akhriyey wasiirkii hore ee warfaafinta C/kariin Xasan Jaamac, iyadoo halkii wariyaashu ay ka sugayeen inuu raysul wasaare C/weli Gaas uu liiska u soo gudbiyo uu raysul wasaaruhu ka baaqday balse markii dambe waxaa liiska saxaafadda u akhriyey C/kariin Xasan Jamac.
Liiska golaha wasiirada cusub ayaa ka kooban 18 wasaardood, taasi oo la mid ah xukuumadii Farmaajo, laakiin dhamaantood waa shakhsiyaad ku cusub siyaasadda dalka.
1- Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta. [Wuxuu ka tirsanaa guddigii uu Shariif Xasan u magacaabay doorashada bishii Febraayo ee khilaafka dhaliyey. Ugaas Bile weli waxaa uu ka tirsan yahay xildhibanada barlamaanka. Wuxuuna jagada ku heley qeybta Shariif Xasan ee heshiiska Kampala]
2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda. [Wuxuu ka yimid dhanka Shariif Xasan]
3- Mudane Xuseen Carab Ciise Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga [Waxaa uu ku yimid saamiga deegaanada Somaliland, Waxaana lagu bedelay booskii Oomaar].
4- Mudane  Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Waxaa loo magacaabay Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha. [Waxaa uu ka tirsan yahay barlamaanka KMG Soomaaliya, waxaana dhalay Ugaas kamid ah Ugaasyada Beelaha Absame/Cawlyahan].
5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.  [Waxaa dhalay gudoomiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud oo ay walaalo yihiin wasiirkii geeriyooday ee C/Shakuur Sheekh Xasan]
6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta. [Waxaa uu ka yimid dhanka madaxweyne Shariif waxaana lagu bedelay Xuseen Cabdi Xalane].
7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska. [Waxay ka mid tahay qurbe joogta Soomaalida ee ka soo jeeda  Jowhar/ Shabeelaha Dhexe].
8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha.
 
Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf (Wasiirka Caafimaadka ee hadda)
9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka. [Wuxuu soo noqday wasiirkii caafimaadka ee xukuumadii Cali Maxamed Geedi 2004. Wuxuu sidoo kale ku jiray guddigii loo diray soo xulida barlamaanka KMG sanadkii 2004. Laakiin xilkii wasaaradda wuu ka tegey ka dib markii ay isqabteen isaga iyo Cali Maxamed Geedi].
10- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Axmed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta.
11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga. [Wuxuu ka mid ahaa guddigii doorashada ee Shariif Xasan uu dhisay ee Khilaafka dhaliyey. Mursal wuxuu ka mid yahay wasiirada saami qeybsiga Shariif Xasan ku soo galay, Waana xildhibaan].
12- Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...