Wednesday 20 July 2011

Qarax qasaaro geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho



Muqdisho :  (Sh. M. Netw)  Qarax bambaano oo geystay qasaaro dhaawacyo ah ayaa caawa ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho,  iyadoo qaraxaasi ay kasoo baxayaan warar is qilaafsan.

Qaraxaani oo la sheegay in uu ahaa bamgacmeed islamarkaana ay kasoo baxayaan warar is qilaafsan ayaa waxaa la sheegay in uu caawa ka dhacay isgoyska banaadir ee magaalada Muqdisho sida dad goob joobjoogayaal ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle.


Wararka is qilaafsan  ee ku aadan waxa uu qaraxa ka dhashay ayaa waxa ay sheegayaan in Bamka lala eegtay gaari yar oo uu saarnaa askari ka tirsan dowladda KMG oo marayay halkaasi halka wararka qaarna ay tibaaxayaan in Bamka qarxay uu watay askariga.


Qaraxa oo geystay qasaaro dhaawacyo ah ayaa goobjooge  Shabelle uga waramay waxa uu sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi ilaa 5-ruux oo rayid kuwaasi oo uu tilmaamay in uu ka mid ahaa mid ka mid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
 

Xaalada halka uu qaraxa ka dhacay caawa ee isgoyska Banaadir ayaa waxaa la tilmaamay inay dagantahay hase waxaa la sheegay in goobta ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi baaritaano ka fuliyay kaasi oo aan la ogeen in dad ay ku qab qabteen iyo in kale.



Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...