Monday 4 July 2011

Dowladda Ethiopia Oo Sheegtay Inay Dishay 15 Ruux Oo Ka Tirsan ONLF

Adis-ababa (RBC Radio):- Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaadey in ay dishay 15 ruux oo ka mid ah jabhada la dagaalanta Ethiopia ee la yiraahdo ONLF.
Sida laga soo xigtay dowladda Ethiopia waxaa deegaanka Jaleela ee dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Kililka Shanaad lagu dilay 15 ruux oo ka tirsan Jabhada ONLF isla markaana waxaa la sheegay in halkaasi lagu qabtey lix ruux oo kale.
Dowladda Ethiopia waxay sheegtay in kooxdani ay ka tirsanaayeen Jabhada ONLF isla markaana ay ahaayeen 21 ruux oo intooda badan ku hubeysan qoryaha fudud iyo rasaastooda, waxayna dowladda Ethiopia sheegtay in kooxdani ay ka yimaadeen dhinaca magaalada Gaalkacyo oo ay ka soo galeen xadka Soomaaliya iyo Ethiopia.
Wararka laga soo xiganayo dowladda Ethiopia waxay sheegayaan in ragga la qabtey ee nolosha lagu hayo ay yihiin lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Ajaanib wadata dhalashada dalka Sweden, waxaana lixda ruux ee la qabtey gacanta ku haysa dowladda Ethiopia.
Dowladda Ethiopia waxay sheegtay labada ruux ee ajnabiga ah ay sheegteen in ay yihiin Suxufiyiin ka yimid dalka Sweden hase ahaatee lagu hayo baaritaano si loo xaqiijiyo in ay suxufiyiin yihiin iyo in ay garab siinayeen Jabhada ONLF.
Saraakiisha dalka Ethiopia ayaa sheegay in ay hayeen xogta kooxdani la sheegay in ay ka tirsanaayeen ONLF oo ka koobnaa 21 ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen Ajaanib, waxaana dowladda Ethiopia ay sheegtay in dagaal ay ku qaadeen kooxdaasi oo ay ka dileen 15 ruux intii kalena gacanta ay ku hayaan haatan.
Ma jirto hadal ay arintani ka jeediyeen mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida ee Kililka Shanaad maadaama dhulka kooxdaasi lagula dagaalamay uu ahaa kan ay maamulaan, waxaana inta badan dhaca in kooxda ONLF ay dagaalo ba’an deegaanada Kililka Shanaad kula gasho dowladda Ethiopia.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...