Wednesday 20 July 2011

Faahfaahin: Golaha Wasiirada Cusub oo Wajiyo Cusub u Badnaan Doona iyo Taagerayaasha ugu Dhawaa Madaxweyne Shariif oo Liiskii Waayey


Muqdisho (RBC) Mid ka mid ah xubnaha ku dhow masuuliiyiinta DKMG Soomaaliya oo arkay shaxda wasiirada cusub ee maanta lagu wado inuu ku dhawaaqo raysul wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa RBC Radio u sheegay in wasiirada ay u badnaan doonaan qurbejoog iyo shakhsiyaad ku cusub siyaasada Soomaaliya.
Xubintaasi ayaa RBC Radio u xaqiijisay in liiska golaha wasiirda uusan wax badan ka badan doonin tiradii hore ee xukuumadii Farmaajo oo ahaa 18 wasaaradood, waxaase suuragal ah in hal wasaarad lagu kordhiyo.
Inta badan waxay golaha wasiirada noqon doonaan rag ku cusub siyaasadda dalka isla markaana ah dad qurbejoog ah suda xogta na soo gaartay ay tilmaameyso.
Dalabka Shariif Xasan iyo wajiyada cusub
Afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan ayaa beryihii la soo dhaafay ku adkeysanayey in dadka loo magacaabayo wasiirada y noqdaan dad ku cusub siyaasadda oo aan hore wax xil ah u soo qaban, iyadoo Shariif Xasan uu sheegay in aan lagu soo dari karin golaha wasiirada dad xil ka soo qabtay dawladihii dalka  soo maray laga soo bilaabo sanadkii 2000 xilligii C/qaasim illaa tii C/laahi Yuusuf arintaasi oo Shariif Xasan loo meelmariyey.
Sidoo kale wasaarada maaliyadda ayaa noqoneysa mid u gaar ah Shariif Xasan, waxaana haatan Muqdisho soo gaarey ninka uu Shariif Xasan u rabo wasaaradaasi oo ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool.
Arin kale oo xiise leh ayaa waxay tahay in Shariif Xasan uu kala dhantaalay kooxdii taageerayaasha madaxweynaha oo loo yaqaano ‘Aala Sheekh’ iyadoo raggii ku dhowaa madaxweynaha saacadihii u dambeeyey laga saaray liiska wasiirada.
Shakhsiyaad loo yeeray
Saacadihii u dambeeyey waxaa magaalada Muqdisho so gaaray in ka badan 10 xubnood oo qurbejoog ah kuwaasoo loo yeeray si ay uga mid noqdaan golaha wasiirada cusub. Waxaana ragga soo gaarey Muqdisho ka mid ah xubno shaqooyin ka soo qabtay hay’ado iyo jaamacado oo qaarkood ku sugan Afrika, Europe  iyo Mareykanka.
Si kastaba waxaa maanta xarunta madaxtooyada ka soconaya diyaar garow xoogan oo loogu jiro magacabista golaha wasiirada iyadoo shaqaalaha madaxtooyada lagu wargeliyey  inay diyaariyaan xaflada.
Amaanka madaxtooyada ayaa saaka aad loo adkeeyey iyadoo maalintii shalay tacshiirad u dhexeysa ciidamada labada Shariif ay sababtay dhimashada mid ka mid ah saraakiisha madaxtooyada.
Wixii ku soo kordha kala soco RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...