Wednesday 20 July 2011

Wararkii ugu Dambeeyay is-qab-qabsiga Labada Shariif iyo caqabad weli ku-gudban magacaabista Golaha Wasiirada


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 20 July 2011 06:10

Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoore ayaa ka shanqariyay in madaxda ugu sareysa dowladda ay wali isku afgaran la’yihiin xilal ka mid ah wasaaradaha ugu culus xukuumada, kadib markii kulan ay lahaayeen shalay ay ku kala boodeen.

Isku dhac weyn ayaa mar kale ka soo if baxay Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Labada Shariif oo xilligan si qoto dheer isugu haya xilalka muhiimka ee wasaaradaha, xilli shalay ay mar kale dib u dhacday in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku heshiin la’ wasaaradaha muhiimka, sida wasaarada arrimaha gudaha, maaliyada iyo gaashaandhiga, inkastoo arrinta ugu weyn ay ka taagan yahay Labada Wasaaradood ee kala ah Maaliyada oo Shariif Xasan ku dhegan yahay iyo gaashaandhiga.

Hadii Shariif Xasan u meel marto Wasaarada Maaliyada waxaa meesha ka baxaya Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, maadaama hadii Beelaha Digil iyo Mirifle helaan wasaarada maaliyada waxay weynayaan gaashaandhiga oo dhanka beelaha daarood ku wareegeysa, waana sababta uu u diidan yahay Madaxweynaha.

Inkastoo tanaasul uu maalmo ka hor sameeyay Wasiirkii Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, kuna dhiibay warqadiisa istiqaaladeed ay arrinta waxoogaa isku soo dhoweysay, ayaa xaalada waxay cirka isku shareertay markii shalay Shariif Xasan uu soo jeediyay in xilkaas uu booska Digil iyo Mirifle ku fariisin doono, halka qorshuhu ahaa in xubin ka socota dhankiisa oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan loo magacaabo Maaliyada.

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa labaduba aad ugu dadaalaya sidii aanu Fiqi meesha ugu bixin, maadaama lagu tilmaamay wasiir si weyn wax ugu qabtay arrimaha ciidamada, hadii uu meesha ka baxana ay wax badan isku dhex yaaci doonaan.

Caqabadaha kale ee hor taagan magacaabista Golaha Wasiirada ayaa ah wasiirka arrimaha gudaha oo ay isku heystaan beesha H/gidir oo ka tirsan Qabiilka Hawiye iyo Ururka Ahlusuna.

Ahlusuna dhankeeda waxay dadaal ugu jirtaa in wasaaradaas loo doonay, xubin ay u madax banaan tahayna ay keensato, oo qaabka awood qeybsiga 4.5 ku timaado, hase ahaatee xubnaha Beesha H/gidir ee aan ka tirsaneyn Ahlusuna ayaa aad uga biya diidan.

Inkastoo Wasiirkii hore ee xilkaas ka geeriyooday Allaha u naxariistee C/shakuur Shiikh Xasan uu ku matalayay xilkaas magaca Ahlusuna, ayaa hadana waxaa muuqata in ragg badan ay xusul duub ugu jiraan xilkaas.

Si dhab ah looma oga sida xaalada noqon doonto iyo halka ay dhinac ugu dhici doonto, hase ahaatee waxaa sheekada loo badinayaa in arrintu isu bedesho in Kampala lagu noqdo.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...