Wednesday 20 July 2011

WAR DEG DEG: Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (Aqriso Magacyada)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa galabta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub, xilli maalmahan laga sugayay, iyadoo magacaabista Golaha Wasiirada aan wax munaasabad iyo wariyeyaasha looga yeerin, kadib maalmo badan oo loo yeerayay oo ay dib u dhaceysay.

Liiska Golaha Wasiirada oo sii diyaarsanaa tan iyo xalay ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha loogu qeybiyay Saxaafada.

Shabakada Jowhar.com oo soo gaaray nuqulada Liiska Golaha Wasiirada ayaa ahaa dhamana kuwo wajiyo cusub ka muuqday, iyadoo ay dhamaan meesha ka baxeen Xukuumadii Farmaajo oo xubno ka mid ah laga hadal hayay inay ku soo laaban doonaan, hase ahaatee ay markii la isku qabtay kadib la isku afgartay in meesha ka wada baxaan.

Inkastoo gebi ahaan Wasiirada ay u badan yihiin ragg qurba joog ah, ayaa waxaa yihiin kuwo xilalka wasiirada ku cusub, si la mid ah Wasiiradii xukuumadii Farmaajo oo kale.

Xubnaha ka dhex muuqda ayaa waxaa ku jira Wiil uu dhalay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Hogaamiyaha Ahlusuna Wal-Jameeca, is qab qabsi badan kadibna markii Beesha H/gidir isku heysatay uu ku soo baxay.

Sidoo kale xubnaha dib loo xusuusan doono ayaa waxaa ka mid ah Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf oo horay Xukuumadii Prof. Cali Maxamed Geeddi Dowladii lagu soo dhisay Mbagathi xilka Wasiirka Caafimaadka ahaa, haatana dib xilkaas u qabtay.

Waxaa kaloo xubnaha cusub ku jirta Gabar uu dhalay allaha u naxariistee Gudoomiyihii hore Degmada Jowhar iyo Kusimihii Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Cismaan Caqiil oo lagu magacaabo Caasho Cismaan Caqiil oo ah gabar mutacalimad ah.

Xubnaha qaar ee Wasiirada ayaa waxaa ku jiro xubno aad ugu dhow Wasiiradii hore, qaarkoodna ay qaraabo hooseba yihiin.


Halkan ka aqriso Magacyada 18-ka Golaha Wasiirada cusub


1- Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta


2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay
Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda


3- Mudane Xuseen Carab Ciise Waxaa loo magacaabay
Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga


4- Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Waxaa loo magacaabay
Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.


5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.


6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.


7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska,


8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha


9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka


10- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Axmed Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta


11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga


12- Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda


13- Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Circa, Dhulka, Badda & Dekadaha


14- Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta


15- Mudane Jaylaani Nuur Iikar Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska


16- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka


17- Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.


18- Madane, Cabdullaahi Goodax Barre Waxaa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga


Jowhar.com isha koowaad ee wararka xaqiiqda ah

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...