Tuesday 19 July 2011

Ganacsatada deegaanka Lafoole oo ka cabanaya Al Shabaab



Lafoole: (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah ganacsatada ku nool deegaanka Lafoole ayaa waxaa ay ka cabanayaan lacago canshuuraad ah oo ay kusoo rogeen Xarakada Al Shabaab.

Iyadoo Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose mudooyinkii dambe amaro kala duwan ay kusoo rogayeen shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Sh/hoose ayaa qaar ka mid ah ganacsatada deegaanka Lafoole waxa ay cabasho ka muujiyeen lacago canshuuraad ah oo ay sheegeen inay kusoo rogeen Al Shabaab.

Ganacsatada qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidamada Xarakada Al Shabaab ku gaafwareegayeen goobaha ganacsi ee ku yaala deegaanka Lafoole, iyagoo ganacsatadana sida ay tilmaameen lagu amray inay bixiyaan bil waliba lacag dhan $40, taasi oo ganacsatada ay ku tilmaameen inay tahay mid sharci daro ah.

Ganacsatada ayaa waxaa ay ka codsadeen Maamulka Xarakada Al Shabaab ee deegaanka Lafoole inay ka tanaasulaan go’aankaasi maadaama sida ay sheegeen aysan awoodin inay bixiyaan lacagta intaasi la’eg, waxaana ay shaaca ka qaadeen in hadii ay Maamulka Al Shabaab arintaasi ku adkeystaan inay gabi ahaamba albaabada isugu dhufan doonaan goobahooda ganacsi.

Tan iyo markii Xarakada Al Shabaab ay la wareegeen gobolka Sh/hoose ayaa waxaa jiray amaro kala duwan oo ay ksuoo rogayeen ganacsatada ku ganacsta halkaasi, iyadoo arintaani ay guud ahaan saamayn ku yeelatay gancsatada yar yarka ah ee halkaasi  wax ku iibiya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...