Tuesday 19 July 2011

Wafdi ka socday Midowga Afrika oo kulamo la qaatay hogaanka DKMG



Muqdisho : (Sh. M. Network) Wafdi ka socday  Midowga Afrika oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo looga hadlayay arimaha Soomaaliya waxa ay qaateen Madaxda sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya.

Wafdigaan oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Jerry Rowlings ayaa maanta waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay Madaxda sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo ka wada hadleen  xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii loo soo magacaabi lahaa Xukuumad tayo leh.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa si wada jir ah shirjaraa’id u qabtay Jerry Rowlings iyo Madaxweyne Sheekh Shariif  kuwaasi oo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen ee ku aadanaa arimaha Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ugu horeyn la hadlay Saxaafada ayaa waxa uu sheegay in looga baahanyahay Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya inay soo magacaabaan Xukuumad taya  leh oo wax ka qabata arimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay rajeynayaan in xukuumada lasoo magacaabayo ay noqon doonto mid kasoo baxda waajibaadkeeda, isgoo sidoo kale ka codsaday beesha caalamka inay wax u qabtaan dadka ay baaraha  ku saameeyeen Soomaaliya.

Wafdigani ka socda Midowga Afrika ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qeyb ka yahay Wafdiyo ka socday beesha caalamka oo maalmo ka hor magaalada Muqdisho kulamo looga hadlay arimaha Soomaaliya kula qaatay Madaxda sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...