Saturday 9 July 2011

Is qab qabsi cusub oo ka soo if baxay Magacaabista Golaha Wasiirada (Warbixin)

Waqtigii la filayay in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ayaa sii dheeraanaya, iyadoo ay soo if baxayaan is qab qabsi cusub oo ku aadan magacaabisga xubnaha ka mid noqonaya Golahaas, oo warar horay u soo baxayeen ay sheegayeen inuu inta badan diyaarsanaa, hase ahaatee mar kale la iskula dhegay qaar ka mid ah xubnaha ka mid noqonaya.

Inkastoo aanay si dhab ah loo iclaamin waqtiga ku dhawaaqista Golaha Wasiirada ayaa hadana warar duul duulayay maalmihii u dambeeyay waxay sheegayeen in maalinta jimcaha ee shalay ay u badneyn in lagu dhawaaqo, hase ahaatee ay dib kaga dhaceen arrimo kala duwan.

Kulamo waqti dheer qaatay oo ilaa saq dhexe la isla gaaray ayaa Labada Shariif habeenadii la soo dhaafay ku dhex marayay Xarunta Madaxtooyada, kaasoo ku wajahnaa isla meel dhiga habka lagu saleenayo Golaha Wasiirada.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in Shariif Xasan Afhayeenka Baarlamaanka uu hada la soo baxay waji cusub oo uu ku doonayo in xilalka muhiimka ah ee Wasiirada ku helo.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xubnaha Shariifka uu wato ay ku cadaadinayaan in Wasiirada muhiimka ay qaataan, kadib markii ay soo baxeen in inta badan Wasiirada muhiimka iyo xubnihii ka mid ahaa Golihii Wasiirada Farmaajo ay sidooda u taagan yihiin.

Shariif Xasan ayaa ku dhegan in xubnaha Digil iyo Mirifle uga mid noqonaya Golaha Wasiirada uu isaga soo xulo, sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in xilka Wasiirka Maaliyada uu doonayo in dib loogu soo celiyo Digil iyo Mirifle, isla markaana xilka Wasaarada Gaashaandhiga loogu celiyo Beesha Daarood.

Inkastoo is qab qabsiyada ay yihiin kuwo bilow ah ayaa hadana la rumeysan yahay inay dib u dhigeen ku dhawaaqistii la filayay in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo, hase ahaatee laba kacleynta Shariif Xasan ee uu mar kale dib ugu soo baraarugay in xilalka muhiimka uu helo ay yihiin mid caqabado hor leh ku keeni karta dhismaha Golaha Wasiirada.

Shariif Xasan ayaa shaqsiyaadka uu wato la hadal hayaa inay ka mid yihiin Mustaf Dhuxulow, C/raxmaan C/shakuur, Burci Xamza, C/raxmaan Ibbi iyo Fowziyo, kuwaasoo uu u doonayo in xilal muhiim ah ay helaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...