Saturday 9 July 2011

Xarakada Al-Shabaab oo Xero cusub uga sameeyay dadka abaaraha deegaanka N0-50, gar gaarna u qeybiyay+Sawiro

Xarakada Al-Shabaab ayaa xero ay ugu tala galeen dadka ka soo barakacay Abaaraha uga furay deegaanka N0-50, taasoo loogu magac daray Xerada Barakacayaasha Abaarahja ee Aala-Yaasir, iyadoo durba dad fara badan oo aad uga muuqato macluul iyo diif la dejiyay.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo booqatay Xeradaas ayaa u kuur galay xaalada nololeed ee dadka abaaraha ay saameeyeen, kuwaasoo isugu jiray, Haween, caruur iyo dad da' ah, kuwaasoo badankood deegaanadooda ka soo lugeeyay.

Xarunta dib u dejinta loogu sameeyay Barakacayaasha oo ay ka socotay dhismaha aqalo iyo teendhooyin ay ku hoydana barakacayaasha looga hirgeliyay halkaas, sidoo kale goobo caafimaad oo lagu daweynayay caruurta nafaqa darida heysata ayaa goobta laga hirgeliyay.

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Hogaanka Al-Shabaab iyo Waaliga Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ka tirsan deegaanka xaruntan laga hirgeliyay ayaa booqday xaruntaas, iyagoo kormeerayay xaalada dadkaas oo gar gaar isugu jira raashin iyo dhar loo qeybinayay.

Dadka dhibaatada ka muuqatay ayaa qaarkood isugu jiray kuwo xoolahooda ku baaba'een abaarta iyo haraadka ka jira Gobolada, waxaana xaruntaas ay aheyd mid dadka la ildaran macluusha ay niyad dhis ugu aheyd, maadaama ay halkaas ka helayaan caawimaad.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qul qulaya qoysas fara badan oo ka soo barakacay abaaraha ka jira Gobolada dalka, iyadoo dadkaas ay ka muuqato gaajo iyo haraad, oo ay wehlisay macluul ay u dhimanayeen caruur fara badan.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee Xarakada Al-Shabaab ay ku bilaabaan gurmadka abaaraha iyo gar gaarka sama falka, kadib markii dhowaan ay shaaca ka qaadeen inay dib u fasaxeen Hey'adaha sama falka, sidoo kale waxay arrintan ku soo beegmeysaa xilli Shabaabka ay dib u habeyn ku sameeyeen Gudiga Gurmadka abaaraha oo Hogaan looga dhigay Sheekh Xuseen Cali Fiidow.










No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...