Friday 22 July 2011

Qarax saaka ka dhacay degmada Dharkeenley iyo Shaqaaqo xalay ka dhacday goob aroos

Qarax miino ayaa saaka waabarigii lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo gaari saarnaa, iyadoo qaraxaas uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhow Saldhig Galbeed, waxaana qaraxa lala eegtay Gaari uu lahaa Gudoomiye kuxigeenka degmada Yuusuf Kawaale, inkastoo uu ka bad baaday.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay hal ruux oo ahaa nin oday ah, halka saddex kale oo Askar ku jireen ay ku dhaawacmeen, inkastoo la soo sheegayo in qasaaraha intaas ka badan yahay.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Dharkeenley Yuusuf Kawaale ayaa sheegay in qaraxa hal askari ku dhaawacmay labo kale oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen sida uu yiri.

Dhinaca kale shaqaaqo sababtay dhaawacyo ayaa xalay ka dhalatay goob aroos ah, kadib markii rasaas loo ridayay damaashaad aroos ay si kama'a ah u gaartay dad ka qeyb qaadanayay arooska.

Laakiin Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle ayaa sheegay in rasaasta ay ka dambeysay markii dhalinyaro ay is af-gaareen, isagoo beeniyay in haba yaraatee arooska ay weerareen Askar ka tirsan Dowladda.

Labo ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay falkaas ka dhacday goobtii arooska ka dhaceysay, iyadoo markii dambe lagu kala cararay xafladii arooska loo dhigayay.

Degmada Dharkeenley ayaa ka mid ah degmooyinka ay ka dhacaan falalka amaan daro iyo qaraxyo, iyadoo ay degmadaas isku hayaan labo maleeshiyo beeleed qaab beeleed ugu sugan deegaankaas.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...