Friday 22 July 2011

Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo soo dhamesytiray Golihiisa wasiirada (Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiir Kuxigeeno)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa dhameystiray Golihiisa Wasiirada, isagoo soo magacaabay Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiir Kuxigeeno ka mid noqon doona Golihiisa Wasiirada.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa xalay soo saaray Liiska Wasiiru Dowlayaasha iyo wasiiro Kuxigeenada uu magacaabay, iyadoo ay ku cusub yihiin min Labo Wasiir Kuxigeeno oo hal Wasaarad xil ka wada haya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegtada magacaabista Golaha Wasiirada aqbalay, waxaana ay isugu jiraan xubnaha ka dhex muuqda kuwo cusub iyo kuwo horay u soo maray Xukuumadihii dalka, waxaana gebi ahaan meesha ka baxay xubnihii Kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha horay uga ahaa Xukuumadii Farmaajo.

Wasiiru Dowlayaasha ayaa gaaraya ilaa 9-wasiiro Dowle, halka Kuxigeenada ay gaarayaan 18-wasiir kuxigeeno oo qaarkood min Labo Kuxigeeno ay ku jiraan.

Hadaba aqriso Liiska Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiir Kuxigeenada:-

Liiska Wasiiru Dowlayaasha:

1-Mudane C/casiis Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha.

2-Mudane Xaamid Sheekh Cali Maasheeye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

3-Mudane Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

4-Mudane Maxamed Maxamuud Aadan Indha geelle Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

5-Mudane Sheekh Aadan Maxamed Deer Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta .

6-Mudane Maxamed Axmed Kaamil Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

7-Mudane Maxamed Axmed Kaynaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha.

8-Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka,Dhulka,Badda iyo Dekedaha.

9-Mudane C/kaafi Macalin Xasan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska.

Wasiir Kuxigeenada

1-Mudane Axmed C/laahi Xuseen Fanax iyo Mudane Xasan Maxamed Ibraahim Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Garsoorka arimaha Diinta iyo Awqaafta.

2-Mudane C/raxiin Cabdi Abiikar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

3-Mudane Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

4-Mudane Khaliif C/kariin Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

5-Mudane C/xakiin Cige Guuleed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

6-Mudane Cali Dirir Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta.

7-Marwo Luul Cabdi Aadan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska.

8-Mudane C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Mudane Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.

9-Mudane Macalin Cali Aadan iyo Mudane Faysal Xuseen Daahir Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Caafimaadka.

10-Mudane C/laahi Bille Nuur Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

11-Mudane Daahir Xaaji Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada,Dhalinyarada iyo Isboortiga.

12-Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan Wasiir ku-xigeenada Kalluumeysiga,kheyraadka Badda iyo Bay,ada.

13-Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka,dhulka iyo Dekedaha.

14-Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Mudane Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta.

15-Mudane Xareed Xasan Cali Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud,guryeynta iyo Dib u dhiska.

16-Mudane C/laahi Dool Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Batroolka.

17-Mudane C/qaadir Maxamed Barre iyo Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare.

18-Mudane Cali Nuur Ducaalle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...