Monday 18 July 2011

Sare u kac laga dareemayo qiimaha Dhuxusha ee suuqyada Muqdisho



Muqdisho : (Sh. M. Network)  Waxaa sare u kac laga dareemayaa qiimaha la iibiyo Dhuxusha ee suuqyada magaalada Muqdisho taasi oo saameyn ku yeelatay dadka danta yar.

Sare  u kacani laga dareemayo  qiimaha la kala siisto dhuxusha ee suuqyada magaalada Muqdisho ayaa  waxaa loo sababeynayaa roobabkii ka da’ay Muqdisho iyo daafaheeda taasi oo saameyn ku yeelatay dadka danta yar ee ku nool magaalada.

Mid ka mid ah Haweenka iibiya  dhuxusha oo la hadashay  Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegtay in loorka dhuxusha markii hore la iibin jiray qiimo dhan 110-kun oo Shilin Soomaali ah halka iminka ay sheegtay in la iibinayo loorka qiima dhan 150-kun oo shilinka Soomaaliga ah taasi oo ay u sababeysay gadiidka ka keena dhuxusha gobolada dalka oo ku xayirmay wadooyinka oo ay biya dhigeen roobabka.

Sare  u kaca ku yimid qiimaha la iibiyo dhuxusha ee laga dareemayo suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay saameyn balaaran ku yeelatay qoysaska danta yare ee aan awoodin inay iska bixiyaan qaraashaadka sidaasi u badan ee la iibinayo dhuxusha kuwaasi oo markii hore ay haysatay xaalado nololeed oo ka dhlatay abaarta iyo colaada ka jirta dalka.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...