Saraakiisha AMISOM ee ka qeyb qaadatay gar gaarkan sama falka ayaa booqday xero dad barakacayaal abaaraha oo ku taala agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana saraakiisha halkaas ay dadka ku gaarsiiyeen kaalmooyin isugu jira bacaha biyaha celiya, dhar iyo adeegyo caafimaad oo ay u fuliyeen qaar ka mid ah dadka abaaraha.
Ilaa 700-qoys ayaa ku sugnaa xeradaas, kuwaasoo maalin walba soo gaarayay, waxaa ku jiray caruur ka muuqatay nafaqo daro, iyagoo muddo in badan shan maalmood so socdeen si ay u helaan gar gaar sama fal iyo wax ay cunaan.
War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Paddy Ankunda ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay caawimaad gaarsiiyeen dadka tabaaleysan oo ku jira xero u dhow fariisin ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha.
Madaxa qeybta Rayidka Milateriga AMISOM Lt Col. Kaamurari Katwekyeire ayaa sheegay inay gar gaar bani aadanimo gaarsiiyeen barakacayaasha ku jira xerada, waxaa uu sheegay inay isku dayayaan inay gaarsiiyaan waxa ay awoodaan, wuxuu cadeeyay in xerada dadkaas ay ku jiraan ay ka dhiseen ilaa shan teendho aanay roobka ka soo dhex dusi karin.
Waxaa uu sheegay in dhaqaatiirtooda ay la tacaaleen howlo caafimaad oo ay u fidiyeen dadka tabaaleysan, waxaana xerada ka jirta cuduro kala duwan oo ka mid ah cudurka jadeecada oo gaar ahaan caruurta ay heyso.
Lt Col. Kaamurari Katwekyeire ayaa sidoo kale sheegay in labo ka mid ah caruurta xaalada nafaqo darada heysata ay geeyene xarunta ay leeyihiin si loola tacaalo xaaladooda Caafimaad.
Waxaa uu intaa raaciyay in gar gaarka bani'aadanimada ay wadaan uu yahay mid ay ku doonayaan in Caalamka kula soo biiro sidii loo caawimi lahaa dadka abaaraha ay ceyrteeyeen iyo sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.
Dhaqaatiirta AMISOM ayaa baaritaano caafimaad u sameynayay dadka soo gaaraya xarumhooda, sidoo kale waxay caruurta siinayeen Kaniiniga Fitamin A.
Xerada barakacayaasha ku jira ayaa looga hirgeliyay biyo dadka ay ka cabaan, kadib markii aad looga deyriyay nadaafada ka jirta xeradaas oo maalin walba ay soo gaarayaan dad hor leh, si ay gar gaar u helaan.





No comments:
Post a Comment