Monday 18 July 2011

Golaha Wasiirada oo maanta kama dambeys lagu dhawaaqi doono

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta si kama dambeys loogu dhawaaqo, kadib dib u dhacyo ku imaanayeen maalmihii u dambeeyay magacaabista, oo ay jireen is mari waa ku aadanaa xubnaha ka mid noqonaya.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo aanu ka heleyno Madaxtooyada kulankii dheeraa ee Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha ku qaateen Madaxtooyada ayaa waxaa uu ahaa mid ay is faham ku gaareen.

Wararka ayaa sheegaya in liiskii Golaha isku afgarteen, kadib markii meesha uu ka baxay arrimo badan oo la isku hayay oo qaarkood ahaa wasaaradaha muhiimka ah.

Shariif Xasan ayaa dhankiisa ka imaan doonaan Wasaarada Maaliyada oo maalmihii dhowaa uu aad ugu dhegnaa, kadib markii uu xilkaas ka tanaasulay Xuseen Cabdi Xalane, sidoo kale Shariif Xasan ayaa ku booday qaar ka mid ah xulafadiisii, isagoo meesha la yimid xubno cusub.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xalay ay ka bilaabatay Xarunta Madaxtooyada qaban qaabada la xiriirta Munaasabada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada oo maanta kama dambeys ah u dhici doonta.

Shaqsiyaadka cusub ee la hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Farxaan oo xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha loo wado, kaasoo ay qaraabo yihiin Macalin Maxamuud Hogaamiyaha Ahlusuna, waxaana xilkaas uu noqon doonaa mid Ahlusuna dhankeeda ka imaada.

Dhaq dhaqaaqyada ka socda Madaxtooyada ayaa ah mid aad u xadidan, wararka soo baxayay waxay ahaayeen kuwo marba marka ka dambeysa ay is bedelayeen, iyadoo ay adkeyd xog rasmi ah oo laga helo kulamadii Madaxda Dowladda oo ahaa mid albaabada u wada xirnaa, xitaa ay ku diideen in adeegayaasha Madaxtooyada ay u keeneen shaah iyo quraac intii kulamadooda shalay wada socdeen.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...