Monday 18 July 2011

Kooxda Xaad Oo Diidan in Shirka Wadatashiga ah lagu qabto Puntland Laakiin Ogol in lagu qabto Nairobi iyo Kampala


Kooxda Xaad Oo Diidan in Shirka Wadatashiga ah lagu qabto Puntland Laakiin Ogol in lagu qabto Nairobi iyo Kampala
Cabdi Warsame Geeljir
Geeljire2010@gmail.com
Tell: 00252-90767597
July 18 2011
Garowe: Todobaadyadan waxaa maqalka dhagahayga kusoo dhacayay hadalo kala duwan oo kasoo baxayay Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Xildhibaanada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee isla beeshaas kasoo jeeda. Odayaasha Hawiye iyo XIldhibaanadooduba qaylay afka ku shubteen waxay ka digeen in Shirka wadatashiga lagu qabto magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland iyagoo ku doodaya in Muqdisho lagu qabto oo ay xaq u leedahay.
Xaqa Muqdisho ay leedahay maahan mid la dafiri karo oo waa caasimadii Soomaaliya hadana Odayaasha Hawiye iyo Xildhibaanadooduba waa inay maskaxda iyo maanka ku hayaan xaalada Muqdisho ka jirta ayna hadalkooda ay saxaafada siinayaan ku daraan inuu maskaxda gali karo (Logic).
Gudoomiyaha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo waraysi siiyey Idaacadda Shabeele waxa uu sheegay inaysan aqbali doonin in Shirka Wadatashiga ah lagu qabto caasimada dowladda Puntland ee Garowe, sidoo kale Xaad waxa uu digniin u direy qaramada midoobay isagoo u sheegay inay maqlaan warka Odayaasha Beelaha Hawiye ee ah in Shirka Muqdisho lagu qabto, baaq uusoo saarey ayuu Xaad waxa uu ugu hanjabay qaramada midoobay isagoo u sheegay inay go’aan ka qaadan doonaan shirka hadii warkooda aan la dhagaysan.
Gudoomiyaha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad waxa uu sicad u sheegay in shirka wadatashiga ah ee qaramada midoobay Soomaalida isugu keenayso inuu fashil ku dhamaan doono hadii lagu qabto Garowe “ Muqdisha nabad eh xaa meel kale loogu qabanahaayaa, anagu shir Garowe lagu qabanhaayo ujeedkiisa garanmaayno oo wax naga jiraba garanmayno, waxan UN-ka u sheegaynaa in Muqdisho ay nabad tahay, hadii Garowe lagu qabto fashilbu ku dhamaanahooyaa shirkaas waan ka digahoynaa” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad .
Xildhibaan Maxamuud Geeddi Aw-hilowle oo ka mid ah xildhibaanada beesha hawiye ugu jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaguna saxaafada siiyey hadal la mid ah kan uu Maxamed Xasan Xaad ka sheegay Saxaafadda Afka Beesha hawiye ku hadasha “ Waxaan ka digaynaa in Shirka wadatashiga ah loo weeciyo Garoowe” ayuu yiri Xildhibaankan hawiye.
Fikirka labadan nin ay qabaan waxa uu yahay miday ka midaysan yihiin Beesha Hawiye waxaana la qaba sidaas isla markaasna dabada kasoo riixaya Madaxwaynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed. Waxaa layaab iyo amakaag ah waxa Madaxwaynaha iyo beeshiisa ku direy Garowe oo ah magaalo nabad ah oo aan la iska indho tiri Karin.
Waftiga xaqiiqo raadinta ahaa ee Qaramada Mdioobay, Dowladda KMG ah, Puntland iyo Galmudug ee u kuurgalayay xaalada meesha lagu qabanayo shirka waxay soo jeediyeen in shirka wadatashiga ah hadiiba Soomaaliya lagu qabanayo inaysan jirin meel Garowe kaga munaasabsan. Beelaha kale iyo aqoonyahanka iyo waxgaadka Soomaaliyeed waxay qabaan in shirka lagu qabto Soomaaliya meeshii nabadeedu sugan tahay oo aysan cabsi amaan daro aysan ka jirin isla markaasna leh adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa shirka sida meeshii lagu qaban lahaa iyo Huteeladii dadku dagi lahaayeen. Amaanka oo sugan iyo adeegyada lagama maarmaanka ahba waxa ku guulaysatay Garowe oo ah caasimada dowladda Puntland.
Illowsho dhawaa ma umulbaa!!!
Waxaa xusid mudan inaan maankeena ku hayno oo aynu soo xasuusano dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho sida qaraxyadii Hoteelada Shaamow iyo Muna. Sida aynu wada ognahay qaybaha ay dowaldda KMG ah ee Soomaaliya ay Muqdisho ka xukunto ama ay gacanta ku hayso waxaa ka dhacay qaraxyo oo waxaa la weeraray Hoteel Shaamow waxa ku dhintey Wasiiro lafdhabar u ahaa Dowladda Shiikh Shariif sida Prof. Ibraahim Cadow Wasiirkii hore ee hidaha iyo tacliinta sare, Waayeel Wasiirkii hore ee waxbarashada, Dr. Qamar Wasiirkii hore ee Caafimaadka iyo Wasiirkii Sport iyo Dhalinyarada sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhintey aqoonyahano uu ka mid ahaa Prof. Shahiid, arday iyo saxafiyiinba, waxaa kaloo dhacay weerarkii Hotel Muna oo ay daganaayeen Xildhibaanada iyo saraakiisha dowaldda KMG ah ee Soomaaliya harcad ayaa inta weerar lagu soo qaaday waxaa lagu laayay xildhibaano 7 gaaraya Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...