Saturday, 6 August 2011

Wejiga labaad ee Shabaab (Faalo dhab ka hadal ah)

Waaya aragnimada loo leeyahay dagaalada daba dheeraaday ee soomaaliya ka socda mudada ka badan 20 ka sano ayaa waxay yihiin kuwa iska cad oo mar walba lugta la gala marxalado aan horey loogu fikirin laakiin waxay ku dhamaaday sida ay hadda dhacday ama si kale oo ka liidata.

Ma doonayo inaan dib u eego burburkii kooxihii kala duwanaa ee horseedka ka ahaa dhibaatada soomaaliya laakiin waxaan eegi doonaa 2006 dii wixii dhacay.

Maxkamadihii Islaamiga ee qabsaday inta badan soomaaliya horseedkana ka ahaa Madaxweynaha xilligan ee soomaaliya Shariif Sh Axmed waxay la soo baxeen awoodo aan la filaynin waxay cagta mariyeen dagaal wadayaashii soomaaliya gaar ahaan kuwii ugu awooda badnaa magaalada muqdisho.

Waxaa la is lahaa Maxkamadaha waxay la imaan doonaan wanaag laakiin waxay la yimaadeen dhaqamo aad u fool xun oo sababay ugu dambeyntii burburkii ku yimid awoodii lama filaanka ahayd.

Decembar 2006 dii Markii Ciidamadii Itoobiyanka iyo kuwii Dowladda KMG ah isku soo baheysteen ka hortaga khatarta ku soo wajahan dalalka geeska afrika ayaa waxay maalmo yar gudahooda soo afjareen is ballaarintii maxakamadaha islaamiga waxayna soo galeen magaalada muqdisho.

Sh Shariif Sh Axmed loo xilligaas ahaa Guddoomiyihii gudiga fulinta maxkamadaha ayaa qabtay shir Saxaafadeed xilli dambe habeenimo isagoo ku dhawaaqay in maleeshiyadiisa isaga baxeen muqdisho sababo la xiriirta in laga adkaaday kooxdiisa.

Taasi waxay ku tusaysaa in kooxaha soomaalida ee hubeysan aan lahayn aragti fog .

Habeenkii xalay ahaa Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa shaaciyay in kooxdiisa ay isaga baxeen magaalada muqdisho, gaáankaas waxaa uu ka dambeeyay shir maalmihii la soo dhaafay shabaabka uga socday degmada Balcad.

Inkastoo Cali Dheere uu qiray in Ciidamadooda ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, ayaa hadana warar la helayo waxay sheegayaan in sababaha Muqdisho uga baxeen ay la xiriirtay kulamo is daba joog ah oo ay ku lahaayeen degmada Balcad, kaas oo ka soo baxay in Muqdisho la faarujiyo.

Haddaba maxay tahay sababta Shabaabka ku kaliftay ina y ka baxaan degaano ka mid ah Muqdisho

Waa mida hore Shabaabka waxay culeys fara badan kala kulmeen Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda KMG ah, taasina waxay sababtay in la burburiyo awoodii kooxdan mayalka adag ee ku xiran Al qaacida.

Waa Mida Labaad Shabaabka markii ay u taag waayeen awooda ballaaran ee kaga imaanayso Ciidamada AMISOM iyo Dowladda KMG ah waxay u eg tahay in ay goáansadeen in dagaalka laga dhigo ku dhufo ka dhaqaaq oo ah in habeen iyo maalin weeraro gaadmo ah la qaado.

Waa mida Sedaxaad Shabaabka waxaa soo dhexgalay khilaaf salka ku haaya hogaanka shabaab, waxaa is haysta oo kir iyo kir kala taagan Abuu Mansuur, Godane, Xasan Dahir iyo Saraakiisha kale.

Inta badan khilaafkooda waxaa uu salka ku haaya in is bedel lagu sameeyo hoggaanka shabaab, qaar ka mid ah Saraakiisha shabaab ayaa waxay doonayan in la bedelo Godano.

Waxyaabaha kale oo la isku haysta oo sababay in la is aamini waayo waxay tahay imaanshaha hayádaha gargaarka oo la isku qabsaday.

Xubno ka tirsan shabaabka waxay doonayeen in hayádaha loo fasaxo in ay dadka gargaaran .

Laakiin xubno kale ayaa arrintaas diidanaa oo Godane oo ka mid yahay, waxayna hayádaha u arkaan kuwa jaajuus u ah dalalka reer galbeedka.

Degaanadii Shabaabka maamuli jireen oo abaaro ku habsaday shabaabka waxay waayeen wax ay ku sii noolaadan.

Dilkii Osama Bil Laden iyo Fasul kii lagu dilay Xamar oo qeyb ka ah burburka shabaab, halkaas waxay ku waayeen dhaqaale iyo maskax abaabul.

HADDABA MAXAY TAHAY KHATARTA AY LA IMAAN KARAAN KOOXDAN SHABAAB EE BURBURKA CAGTA LA GALAY.
 
Waa mida koowaad waxay bilaabi doonaan in ay ugaarsadaan dadka u shaqeeya dowladda oo horeyba u dili jireen.

Aasida miinooyinka oo ay sii ballaarin doonaan.

Dagaalka ku dhufo ka dhaqaaq oo noqon doonto talaabada koowaad oo ay ku dhaqaaqi doonaan.
 
Haddaba lama dhihi karo si dhab ah ayay u burbureen kooxdan laakiin waxaa la dhihi kara waa bilawgii burburka Shabaab
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...