Sunday 28 August 2011

Shariif iyo Mahiiga oo Garowe tegay iyo Faroole oo Iyadoo Ramadaan ah Munaasabad qada ah sameeyay.

somalimemo.netQ.Midoobe iyo waxa loogu yeero Beesha Caalamka ayaa ku guuleystay in ay shariif Sheekh Axmed ku amraan tegitaanka magaalada Garowe ee gobolka Nugaal oo uu ka socdo qaban qaabada shir loo qabanayo hogaamiyaasha cadawga la shaqeeya.

Maanta duhurkii ayuu shariif Sh.Axmed gaaray magaalada Garowe ee gobolka Nugaal waxaase ugasii horeeyay Mahiga Ergayga Q.Midoobe u qaabilsan Somaliya islamarkaana ah Ninka dusha sare ka maamula maamulada gaalada u adeega ee Somaliya kajira.

Intii uusan shariif gaarin Garowe ayuu khadka taleefanka ku wacay Mahiga si uusan kaligii u hor fariisan Cabdi Raxmaan Faroole oo khilaaf xoogani kala dhexeeyo.


Sida ay noo xaqiijiyeen saxafiyiin ku sugan Garowe Wafdiga shariif iyo Mahiiga oo saacado isku dhaw wada gaaray Garowe ayaa loo sameeyay qado sharaf arrinkaasi oo ay layaabeen saxafiyiintii lagu marti qaaday soo dhaweynta shariif maadaama lagu guda jiro Bil Ramadaan Reer Garowena ay ku magacaabanyihiin magaalo Islaam.

Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe kama muuqan astaan Ramadaan waxaana Cabitaano iyo Raashin cunayay wafdiga Q.Midoobe iyo kuwa shariif la socday, Inkastoo gaaladu aysan kala aqoonin Ramadaan iyo Ramadaan la'aan hadane waxaa dadka fajac ku noqday in ay arkaan dad Soomaali ah oo si bareer ah ula qadeynaya Ajaanibta gaalada ah iyadoo maalin ramadaan ay tahay.


Ujeedada socdaalka shariif iyo Mahiga ee Garowe ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo Heshiisiin lahaa Faroole iyo Shariif oo shakhsi ahaan iyo dana dhaqaale isku haya, waxaa kale oo laga yabaa in kulanka diiradda lagu saaro siii leysugu xiri lahaa Howlaha Ashahaadda ladirirnimo oo ay Puntland iyo DKMG ah caalamka reer galbeedka u hayaan.

Waa Socdaalkii ugu horeeyay oo uu Shariif ku tago magaalada Garowe tan iyo markii xilka madaxtinimada DKMG ah loo magacaabay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...