Sunday 28 August 2011

War deg deg ah: Gaari ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo Kaaraan lagu gubay.

Qarax xoogan ayaa goordhaw ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho kaasi oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa AMISOM.

Dad ku sugan Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ayaa soo sheegay in miino lakacday gaari Nuuca Ciidanka qaada ah oo ay wateen ciidanka AMISOM xilli uu marayay wadada isku xirta Sanca iyo Kaaraan.

Khasaara xoogan ayaa ka dhashay qaraxa gaariga lala eegtay waxaana lasoo sheegayaa in burbur xoogan uu gaariga gaaray, warar hordhac ah ayaa sheegay in ciidankii gaariga saaraa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa.

Khidad dagaal oo ay shabaabul Mujaahidiin dejisay horraantii bishan Ramadaan ayaa si dardar leh ku socota waxaana magaalada dib uga shaqa bilaabay ciidanka Mujaahidiinta ee gudaha cadawga ka qaraabta kaasi oo habeen iyo maalin usoo jeeda sidii ay u dili lahaayeen Askarta AMISOM iyo DKMG ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...