Tuesday 30 August 2011

Dhageyso Kalmaddii Ciidul Fidriga ee Amiirka Bariga Afrika u Diray Muslimiinta

Waxay dhaheen xorriyo nin gayaa ha guursado! Soomaalidu haddaysan is yeelyeelin way garanayaan waxa laga wado! Waxaa laga hadlayaa taladda waddanka. Gabyaagii Imri'un Qeys wuxuu haweenay kula taliyey inaysan guursan hebel! Muxuu ku ceebeeyey? Wuxuu leeyahay waa shimbir (Soomaalidaa tiraahda shimbir hadday dab qaaddo buulkeeday gubtaa). Wuxuu leeyahay ninkaas waxaa u xiran xirsiyo (hadda cimaamado been ah) waxuuna leeyahay cuddudo qalqalloocan oo loogu tala galay  cunto-cun iyo ugaarsasho keliya! Wuxuu yiri:

أيا هِندُ، لا تَنْكِحي بوهَةً      عَلَيْهِ عَقيقَتُهُ، أحْسَبا
مُرَسَّعةٌ بينَ أرْساغِهِ،    به عَسَمٌ، يَبْتَغي أرْنَبا

Culumada sida Maawardi (RC) markay ka hadlayaan sifooyinka amiirka Muslimiinta wuxuu xusay sida cilmiga, caddaalada, iyo ra'yiga. Wuxuu kaloo xusay arrimo la xiriiri lixaadka iyo inuu dagaalka yaqaan. Dagaal aqoontu maaha in qofku kumaandoos yahay ama gaandhari! Waa in ninku yahay geesi u qumaya arrimaha Jihaadka oon ka baqin cadowga!

Itixaadku waxay hogaamiyayaal ka dhigteen niman aysan ka dhab ahayn Jihaadku oo iyagu saxaafadda gaalada u sheegaya inaysan lahayn qorshe ee wuxuu iska ahaayeen laab-la-kacy!  Waxaa madaxdooda ka buuxay wadaaddo aad mooddo in gacmahooda loo sameeyey oo kaliya inay kooka-koolo iyo digaal shiilan keliya ku qabsadaan! Maxaa kaa bi'i lahaa hadday cuntadooda iska cuni lahaayeen! Waxay rabaan in laga dhigto Amiirul Mu'miin! Haba faro jilcanaadeenne waxaa kaaga daran fuleynimada:

يذيب الرعبُ منه كلَّ عضب          فلولا الغمد يُمسكه لسال

Waxaannu qireynnaa in Amiirku iyo Mujaahidiintu, ku dhihi karaan Muslimiinta Soomaaliyeed:

نصرتك إذ لا صاحب غير خاذل             فبوئت حصنا بالكماة حصينا

Gabyaagu wuxuu nin ku leeyahay: waan kuu gargaaray waqti aysan jirin saaxiibbo aan ka ahayn kuwo feylaha ku goynaya, waxaana ku dajiyey qalcad adag oon laguu soo dhaafi karin!

Ka warran nabadda ay Kismaayo, Baydhabo, Baraawe, Marka, Jowhar, iyo magaalooyin kale heystaan? Ka warran dhibka ka jira Gaalkacyo, Boosooso, Dheg dheer, iyo xaafadaha Amisom xukunto? Wadaaddadii gacmaha qalloocan waa joogaan Galmudug, Puntland, iyo meelo kalee mey wax qabtaan?

Soomaalidu runta waa ka xishootaa! Haddaba Amiirka waxaa Ilaah nooga keenay qolo dagaalka iyo geesinimadu caado iyo dhaqan u lahaa! Iyagoo laga badan yahay baan lagu hambaasi jirin. Waatuu gabyaagu lahaa:

lix halkaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada
haddii luqunta laydin jaro, lugaha meermeersha!

Gabyaa kale baa qoladaas ka lahaa:

maarraha raggii sidan jiriyo Arab na muuneeye

Waxaa jirtay qolo kale oo Soomaaliyeed oo loo qabay nin dagaal yahan yihiin. Waxay naftii u keeni jireen qabiillada ka tirada yar. Waxaa loo maleyn jiray hadday helaan cilmi diineed inay siday dagaallada baadilka ahaa u gali jireen u galayaan Jihaadka laakiin waxay noqdeen kuwa jaad iyo Amxaaro-jacayl u batay oo ku xajiimoonaya taageerada Jihaadka! Waxaa la is lahaa sida gabyaagu u lahaa:

فليت لي بهم قوما إذا ركبوا         شنوا الإغارةَ فرسانا وركبانا

Bartamihii Sagaashannaadkii waxay qabiilkaasi la dagaaleen dadkii dad u xigay ilaa la iska dilay dad gaaraya 300 oo nin! Iyaga keliya khaladka ma leh laakiin dulliga Xabashidaba waa la qaataaye maxaa loogu degdegayaa qabiillooyinka Soomaaliyeed? Qoladaas dagaalka qabiilka saasay ugu mammanaayeen laakiin horuu gabyaa u yiri:


diifkey cuneen wiilashii damaca waalnaaye!

Gabyaa Soomaaliyeed waa tuu lahaa:

Haddii dunida lagu waarayooy, daayin noqonayso
Waxaan laga dileen nebiyadii, laysu soo diray'e
Asaxaabihii baan degeen daahirka ahaaye.
Faadumo iyo dirkeedii ayaan, dumug yidhaaheene
Daahaa ku noolaan lahaa, degalladoodiiye
Anse waxan daliishaday inaan lagu danbaynayne.

Sidoo kale waxaa gabyaa Carabeed lahaa:

ما حُمّ من موت حِمىً واقيا      ولا ترى من أحد باقيا

Sidoo kale waa baahanahay bakhtiga looma cuno. Wuxuu gabyaa Carbeed ku yiri haweentiisii oo deeqsinimo kula dagaaleysa:

أرينى جوادا مات هُزْلاً لعلّنى         أرى ما ترين أو بخيلا مخلّدا

Waxaan ku soo xireynnaa sida gabyaaga u lahaa:

ragga laxaha sii dhowrayoow dhaqasho waa geele!

War intaad iska deysaan Shariif, Faroole, iyo Siilaanyo maad taageertaan Amiirka! Ugu yaraan bal maxaa qabiilka ama jufada sharaftaas heshay inay u diidaan wiilkooda?

Sidaad ku maqli doontaan Kalmadda Amiirka waxaa jira markii Kacdoonku ka kacay Carabaha in reer Galbeedku dhaheen haloo dhammeeyo Mujaahidiinta Soomaaliyeed! Waxaa gaalada ka maqan in Cidda Adduunka leh tahay Allaha awoodda leh. Marka shirqoolka Maraykanka, Tigreega, Ugaandha, iyo carro-tuurku wadaan waa dhici soobayaa insha Allaah.


Waxaa hadda Xamar buux dhaafiyey Carabihii Khaliijka ee Addoomaha u ahaa Maraykanka oo Amisom quudinaya iyagoo iska dhigaya inay dadka abaaraha ku jira la caawinayo! Waa niman ka liita gaalada!

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...