Monday 29 August 2011

Soomaaliland Oo Si Caro Leh Uga Jawaabtay Dalab Uga Yimid UN-Ka (Warbixin)


Share
Hargeysa ( RBC Radio) iyadoo lagu waddo bisha September in dhinacyada somalida loo qabto shir ay gar’wadeen ka tahay qaramada midoobay oo ka dhacaya magalada Muqdisho,ayaa hadana waxaa soconeysa qaban qaabada shirkaasi.
Dhawaana waxaa Puntland arimahaasi iyo heshiisyo kale oo DFG Iyo Puntland ay saxiixdeen ay ka dhaceen magalada Garowe ee caasimada Puntland.
Shirarkan iyo dhinacyada somalida waxaa garwadeen ka ah Qaramada midoobay oo mar hore sheegtay in shirkaasi ay dooneyso in ay ka soo baxaan qodobo ay somalida oo dhan u isku raacsan yihiin.
Socdaal arimahaasi la xiriira ayaa magalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa ku tagay ku xigeenka ergeyga qaramada midbooday u qaabilsan Arimaha somaliya Chirstian manhal oo kulan xasaasi ah la qaadatay madaxweyanaha Maamulka somaliland Axmed maxamed Maxmuud.
Kulankani oo ay ka soo baxayaan fasiraadyo kala duwan ayaa warar ku saabsan oo RBC Radio Soo gaaray waxaa ay sheegayaan in Loo soo gudbiyay Casuumad ku aadan in Somaliland ay ka qeybgasho shirka ka dhacaya magalada muqdisho ee looga hadlaayo Arimaha somaliya.
Ku xigeenka Ergeyga xoghayaha guud u qaabilsan arimaha somaliya Mr Manahl ayaa u sheegay somaliland in lagama maarmaan tahay imaanshaha shirkaasi,Waxaana ay sidoo kale sharaxaad ay ka siisayay waxyaabaha sida gaarka ah looga hadli doono shirkaasi in Somaliland wax dhib ah aanay ugu sugneen.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud ayaa laga soo Xigtay in uu yiri “shirkaasi maahan mid quseeya Somaliland,Anaga Somaliland ayaa nala yiraahdaa,Somaliyana waa dal aanu daris nahay”waxaa sidaa Ergayga UN u sheegay Madaxweyne Siilaanyo.
Wararka ayaa intaasi raacinaya in Siilaanyo u sheegay Ergeyga qaramada midoobay in Somaliland ka qeyb qaadaneyso arimaha kale ee Somaliya wax loogu qabanayo,isagoona tusaale u soo qaatay in Somaliland ay ka socdaan barnaamijyo Qarashaad loogu Uruurinayo Dadka abaarha ay ku heystaan Koonfurta dalka somaaliya.
Hadaba mowqifkasi ka dib ayaa waxaa Muddo Shan saacadood ah ka dib ka dhoofay Hargeysa ku xigeenka ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan somaliya.
Mana jirin wax shirar ah oo ku saabsan labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen iyo waxa ay isla soo qaadeen,taasi oo Caddeyn karta in qilaaf lagu kala tagay.
Horay waxaa magalada hargeysa qilaaf ku soo kala tagay Ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan somaliya Augustune Mahiga iyo madaxda Somaliland kaasi oo salka ku haya ka qeybgalka shirka ka dhacaya Horaanta bisha soo socota magalada muqdisho kaasi oo Somaliland mowqif diidmo ah iska taagtay.
Si kastaba ha ahaate maamulka Somaliland ayaa marar badan waxaa uu Cod dheer ku sheegay in ay ka Go’een somaliya inteeda kale balse wali ma jiro dal Aqoonsaday taasi oo siyaasinta qaar ku dhaqan Gobolada uu ka arimiyo maamulkaasi ku taliyeen xili hore in Somaaliya Mar kale lala midoobo.
Ugu danbeytiina waxaa socda dhaq dhaqaaq ku aadan sidii madaxda maamulkaasi looga Qancin lahaa ka qeybgalka shirka,iyadoona sida wararka sheegayaan dhawaan la filaayo in hargeysa ay gaadhaan Masuuliyiin ka socota dalalka ay saaxiibada dhow yihiin Somaliland.
Mohamed Abdirashiid
RBC Radio
Boosaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...