Sunday 28 August 2011

Saraakiisha ciidanka Booliska dowlada Somalia oo shaaca ka qaaday iney fashiliyeen qaraxyo waaweyn oo ka dhici lahaa gobolkan Banaadir

Afhayeenka ciidanka Booliiska dowlada Somalia G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay iney ka hortageen qaraxyo waaweyn oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ka dib shir jaraaid oo uu shalay gelinkii dambe u qabtay warbaahinta ka howlgasha magaalada.
Bariise ayaa sheegay in ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha laga soo buuxiyey oo la dhigay wadada isku xirta garoonka dayuuradaha Aadan cadde iyo isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho ka dib dabagal dheer oo uu sheegay iney ku sameeyeen xog ay ka heleen gaarigaasi.
“Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa nabad sugida waxay gacanta ku dhigeen gaari noociisu ahaa kuwa raaxada ee market-2 loo yaqaano oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey kaasoo la dhigay meel u dhexeysa wadada isku xirta garoonka dayuuradaha iyo KM4, ilaahay mahadiis ciidamada Booliska qubaro ka tirsan ayaa ku guuleystay iney kala furfuraan waxyaabahaas qarxa ee gaariga saarnaa” ayuu intaa ku daray afhayeenka Booliska.

“Aad ayaa loo soo qalabeeyay baabuurka waxaana waxyaabaha ku xiran ka mid ahaa taleefoon loo adeegsan lahaa in gaariga lagu qarxiyo. iyo waxyaabo haddii ay qarxi lahaayeen umad badan oo muslimiin ah ay ku dhamaan lahaayeen Dhammaan qalabkii waan ka furfurnay gaarigana laamaha nabad sugida ayaan ku wareejinay" ayuu yiri Bariise.
Afhayeeka Booliska Bariise ayaa ku eedeeyey Xarakada Al-shabaab iney ka dambeysay qaraxyadan ay fashiliyeen, iyadoo uusan ka jirin war ka soo baxay Xarakada Al-shabaab, waana markii ugu horeysay ee ciidamada Booliska dowlada Somalia ay sheegaan iney qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay meel wado ah, waxaana arintani ay ku soo beegantay xili magaalada Muqdisho ay maalmahan ka nasatay dagaalada, qaraxyada iyo madaafiicda ka dib markii ciidamada Xarakada Al-shabab ay sheegeen iney xeelad dagaal uga baxeen magaalada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...