Sunday 28 August 2011

Maleeshiyaad Hubeysan oo Dhoobley kasoo goostay Towbad keena ku dhawaaqay.

somalimemo.netMaleeshiyaad hor leh ayaa kasoo baxsaday deegaanka Dhoobley ee wilaayada Jubbada Hoose oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaad Kenya taabacsan iyo mujaahidiinta.

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Taabto ee duleedka Dhoobley ayaa xaqiijinaya in saaka aroortii ay halkaasi iska dhiibeen laba Maleeshiyo oo dhanka Axmed Madoobe kasoo goostay kuwaasi oo hub culus ku hubeysnaa.

Weriye Cabdi Raxmaan Yare oo isagoo Taabta ku sugan lakulmay maleeshiyaadka Baxsadka ayaa soo sheegay in maleeshiyaadku ay ku hubeysnaayeen Qori PKM ah rasaastiisa oo badan, dhowr Gantaal oo Hoobiyaal ah,qori Hoobiye ah,AK47 iyo sanaadiiq rasaas ah.

Raggan isisoo dhiibay waxay Mujaahidiinta u sheegeen in ay Riddo ku dheceen sidaasi darteedna ay alle uga Towbad keeneen la shaqeynta dowladaha IGAD gaar ahaan Kenya.


Maleeshiyaadka soo goostay waxay qireen in khilaaf xoogan u dhexeeyo Gaandi iyo Axmed Madoobe kaasi oo ku aadan qaabka loo difaacyo magaalada, Col.Cabaas iyo ciidankiisa in ay ka baxeen Dhoobley ayay xaqiijiyeen ragga soo goostay waxaana magaalada isugusoo haray Axmed madoobe iyo Gaandi oo is khilaafsan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...