Sunday, 28 August 2011

War deg deg ah:Hubanti la'aan ka taagan Xaaladda Nololeed ee Dhegabadan iyo Qarax KM4 ka dhacay.

somalimemo.netSida aan horey u sheegnay Muqdisho Caawa waa u dagaal iyo habeen qaraxyo ah waxaa Caawa Hurdada ku ladi la'Madaxda DKMG ah,Xildhibaanadooda,wasiiradooda,saraakiisha iyo hogaanka ugu sareeya ciidamada gumeysiga AMISOM.

Haddii sanadadii lasoo dhaafay Shabaabul Mujaahidiin looga bartay in ay cadawga ku xanuujiso fagaarayaasha dagaalka ee leysku hor fadhiyo caawa arrinku sidaasi waa ka duwanyahay.


Caloosha AMISOM iyo DKMG ah ayaa caawa Muqaaracaad xoogani ka jiraan, mujaahidiinta ayaa ku dhax xaluushay gudaha degmooyinka ay DKMG ah joogto waxaana dhacaya qaraxyo iyo dagaallo toos ah.


Goordhaw waxaa Isgoyska KM4 qarax weyn lagula eegtay gaari uu la socday Cabdi Kariim dhegabadan, dad ka ag dhaw goobta ayaa soo sheegay in Miino lakacday gaari nuuca dagaalka ah ayna dhimasho iyo dhaawac noqdeen wixii saaraa balse lama oga in uu noolyahay Dhegabadan iyo inkale

No comments:

UN: Starvation threatens 2 million in drought-hit Somalia

Fri Sep 13, 2019 01:44PM [Updated: Fri Sep 13, 2019 01:52PM ] Home Africa Somalia A newly arrived woman fleeing from the drought...