Sunday, 28 August 2011

Kulanka Shariif Axmed iyo Faroole waa talaabo wax-ku ool ah haddii ay danta abbaaraan

Share
Kulanka Shariif Axmed iyo Faroole waa talaabo wax-ku ool ah haddii ay danta abbaaraan
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Agoosto 28 2011
Socdaalka Shariif Axmed ee magaalada Garowe ayaa runtii ah talaabo wanaagsan oo wax- ku-ool ah marka la fiiriyo khilaafka labada dhan u dhexeeya ee aan macnaha ku fadhiyin, iyadoo ay dhab ahaantii uu kulankan yahay mid aad moodo inuusan ku imaan xiriir labada nin ay yeesheen ama wada hadal toos ah oo ay isu af baxeen, hadana waa talaabo jabinaysa oo meesha ka saaraysa khilaafkii u dhexeeyay dowladda federal-ka ku-meel-gaarka ah (DFKMG) iyo Puntland haddii labada nin danta ummadda ay si geesinimo iyo daacadnimo ah u wada fiiriyaan.
Waa fursad, mana aha mid dadka Soomaaliyeed ay u dulqaadan karaan in la dayaco ama muran iyo khilaaf hor leh sabab kastaba ha ku yimaadee ay ka sugayaan, waliba waxa laga wada hadlayo ma aha inay ku koobnaadaan arrimaha shirka la leeyahay Muqdisho baa lagu qabanayaa, waxaase laydinka sugayaa in si mas’uuliyad ku dheehantahay aad indhaha u kala qaadaan oo kulankiina uu ka soo baxo wax intaas ka weyn oo dadka Soomaaliyeed u qaadan karaan inay daacad idinka tahay inaad iyaga u adeegaysaan.
Marka la fiiriyo sida uu madax-weyne SHariif markii uu ka degay magaalada Garowe u dhaqmay oo ahayd inuu soo booqday isbitaalka guud ee Garowe, xeryaha dadka ka soo qaxay gobollada kale ee Soomaaliya, waxaa muuqanaya tallaabo yididiilo fiican ay ka muuqato, iyo waliba inuusan ninna marti ugu ahayn magaallada iyo Puntland-ba, waxaana calaamad fiican ahayd in dad-weynaha magaallada ay muujiyeen in Puntland ay tahay gobol Soomaaliyeed SHariifkuna yahay madax-weynaha dalka.
Meeshu waa Garowe, waa Puntland, waa guri Soomaaliyeed, ma aha Addis Ababa, ma aha Kampala, ma aha Nairobi, taasaa arrin mudnaanteeda leh ah, in geedo qodxo leh ay kuu muuqdaan halkii markaad meelaha kale tagto lagu soo hor dhigayay ubax caag laga soo sameeyay, inaad caano lis ah cabto, inay dhegahaaga iyo indhahaaga waxa ay maqlayaan ama arkayaan ay yihiin wax ku kalsooni gelinaya kuuna sheegaya qofka aad tahay iyo meesha aad joogto inay tahay meeshaadii aad lahayd.
Waa hubaal in laydinla joogayo, laakiin waa inay suuro gashaa ama aysan dhicin inay idinku baaqdaan hadalladii aad gaarka isu oran lahaydeen, waxaana dad-weynuhu ogyahay isla markaan ah qaacida jirta in wax kasta oo is af-garan-waa ku dhammado aysan ahayn wax ku salaysan danta guud ee ummadda.
Shirka wada-tashiga ee sida la yiri ay tahay inaad ka wada tashataan wuxuu noqonayaa nooca aad hadda u diyaarisaan, wada tashigaan aad hadda Garowe ku galaysaana run ahaantii uma baahna cid ka baxsan Soomaalida inay ka qayb qaadato, dabeecadaha lagu bartay shirarka Soomaalida loo soo qabaniyay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in arrimaha (Agenda) shirka looga hadlayo aan Soomaalida laga talo gelin oo subax kasta markuu waagu baryo oo shirka ay yimmaadaan miiska lagu siiyo qodobka ama arrinta ay tahay inay ka hadlaan, hasa yeeshee manta waxaan rajaynaynaa in kulnkan aad Garowe ku yeelanaysaa uu noqdo mid looga tashto arrimaha shirka wad-tashiga looga hadlayo oo ay adinka Soomaalida maanta idinka timmaado waxa Soomaalida isugu imaanaysa shirka ay tahay inay ka wada hadlaan.
Waxaa aad u haboon in kulanka aad hadda yeelanaysaaan aysan ku jirin ama aan lagu soo darin waxyaabaha aad ogtihiin inaan lagu heshiin karin isla markaasna aysan baahidooda iminka taagnayn, si looga fogaado khilaaf hor joogsada inay sii socto waddada furantay ee la rabo inay xiriiriso dhammaan dalkaan muddada labaatanka sano ahaa kala qoqobnaa.
Dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba maanta waxay dhegta u taagayaan kulanka aad Garowe ku yeelanaysaan, waxay ku niyad dheeryihiin rajana ka qabaan in laga wada noqonayo khaladaadkii muddo lagu soo socday horayna loo qaadayo talaabo lagu nabadaynayo ummadda, iyagoo waliba maanka ku haya in kooxdii Al-shabaab ay ka baxday kaalintii inkastoo ay wax ka sii dambeeyaan, waxna aaminsanyihiin haddii is af-garad kulankan uu ku soo dhammaado ay taasi horseedi karto horumar xagga nabadda ah in meelo badan laga gaaro.
Yaa yiri in nabadda la gaaro way adagtahay?! DHab ahaantii ma adka in nabad la gaaro, laakiin waxaa adag in qofka Soomaaliga ah ee 21sano aan nabadda arag laga dhaadhiciyo in nabad la gaaray ama la gaarayo, waxaase taas ka dhaadhicin kara siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aad adinku ka midka tihiin, waxaana aad u xasuusnahay Alle naxariistiisii janno ha siiyee awoowgay oo markuu ina dhiiri gelinayo batkan inoogu soo hal qabsada “Rag Tashaday Kolay Cir Tariiqmay Tahay Waa Tolaayee!”
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...