Saturday 27 August 2011

Tirakoobka Isbaarooyinka Yaalla Muqdisho iyo Dadka Iska Leh (Warbixin RBC Radio Ka soo Ururiyey)

Share
Isbaarada Ex-kontorol Afgooye
Muqdisho (RBC) Iyadoo shirkii golaha wasiirada DKMG Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho lagu go’aamiyey in dhamaan isbaarooyinka laga qaado xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxay wariyaasha RBC Radio soo ururiyeen warbixin ku saabsan tirada isbaarooyinka yaalla magaalada.
Qeybaha ay dawladu maamusho ee magaalada Muqdisho waxaa hadda yaalla illaa 12 isbaaro oo gaadiidka laga baad ah looga qaato kuwaasoo ay joogaan maleeshiyaad hubeysan oo lebisan tuutaha DKMG ah.
Isbaarooyinka Yaalla qeybaha DKMG maamusho ee Muqdisho:
1- Isbaarada Ex-kontorol Afgooye: Waxay u taallaa ciidan ka tirsan DKMG oo hab beeleed u abaabulan.  Ciidanka isbaaradan jooga waxay badankood ka mid ahaayeen ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee hoostegi jiray madaxweyne Shariif oo ahaan jirey gudoomyihii Maxkamadaha.
Isbaarada taalla Ex-kontorol  Waa mida ugu dhaqaalaha badan, waxaana sida xogta aan ku helnay maalinkii oo kaliya ka soo xerooda lacag lagu qiyaasay 100 milyan Sh.So. Hase yeeshee lacagtaasi waxay ku dhacdaa gacanta maleeshiyadaadka isbaarada jooga, walow wararka qaar ay sheegayaan in saraakiil ka tirsan DKMG ay wax ka helaan lacagtaasi.
2- Isbaarada Booli-Qaran: Waxay taalla inta u dhexeysa sarihii Boli-Qaran iyo isgoyska Xoosh. Isbaaradan waxay u taalla maleeshiyaad ka tirsan ururka Ahlu suna ee ku sugan Muqdisho.  Waxaa lagu qiyaasaa lacagta maalinkii ay helaan 2,000-3,000 SH.So (labo milyan illaa saddex milyan Sh.So) taasoo ay qaataan isla maleeshiyaadka isbaarada jooga.
3- Isbaarada Xoosh: Waxay taalla agagaarka isgoyska Xoosh. Isbaaradan waxay u taalla ciidan ka tirsan DKMG gaar ahaan beel ka mid ah beelaha uu ka soo jeedo madaxweyne Shariif. Maleeshiyada joogta waxay hore uga mid ahaayeen ciidankii Villa Soomaaliya joogi jiray oo loo soo wareejiyey dhanka Xoosh. 
Dakhliga soo gala waxaa lagu qiyaasaa illaa 1,500,000 SH.So (Hal milyan iyo shan boqol Sh.So.)  Waxaana uu gacanta u galaa maleeshiyada qaadata.
4- Isbaarada Dabakaayo Madow: Waxaa dhigtay maleeshiyo hoostagta maamulka degmada Dharkenley ee DKMG ah. Lacagta ay ka qaataan gaadiidka waxay ku magacaabaan taakuleynta maamulka degmada, balse waxay lacagta si toos ah ugu dhacdaa gudoomiyaha degmada Macalin Cabdulle iyo maleeshiyada beeshiisa oo halkaasi ka taliya.
Dhaqaalaha ka soo xerooda isbaaradan waxaa maalintii lagu qiyaasaa illaa 15,000,000 Sh.So. (Shan iyo toban milyan).
5- Isbaarada Macmacaanka: Waxay sidoo kale isbaaradan u taalla maamulka degmada Dharkenley. Waxaana dhaaqaalaha ka yimaada qaata maleeshiyada beesha uu ka soo jeedo gudoomiyaha degmada Dharkenley Macalin Cabdulle.
Lacagta ka soo xeroota maalintii waxaa lagu qiyaasaa illaa 9,000,000 Sh.So (Sagaal milyan Sh.So).
6- Isbaarada Suuqa weyn: Waxay taalla bartamaha suuqa weyn ee degmada Wadajir. Isbaaradan waxay u taallaa maleeshiyo hoostagta maamulka degmada Wadajir ee DKMG oo uu gudoomiye ka yahay Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci).
Dakhliga maalinkii ay helaan waxaa lagu qiyaasayaa illaa 18,000,000 Sh.So (Toban iyo siddeed milyan). Waxaana dhaqaalahaasi qaata Axmed Daaci iyo maleeshiyadiisa.
7- Isbaarada Danwadaagta: Waxay taalla isgoyskii Danwadaagta ee degmada Wadajir waxayna u taalla isla maamulka degmada Wadajir ee hoostaga Axmed Daaci.
Dakhliga ka yimaada isbaaradan waxaa lagu qiyaasayaa illaa 7,000,000 Sh.So (Toddobo milyan).
8- Isbaarada Buulo Xuubey: Waxay taalla bartamaha xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir. Isbaaradan waxaa maamula maleeshiyo beeleed lebisan tuutaha DKMG.  Sida naloo sheegay dakhliga isbaaradan waxaa kala qeybsada maamulka degmada Wadajir iyo maleeshiyaadka ku sugan isbaarada.
Dakhliga ka soo xerooda waxaa lagu qiyaasaa illaa 20,000,000 (labaatan milyan). SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...