![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Thursday, 11 August 2011 13:22 |
![]() Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Shirkadda KLM ee laga leeyahay Dalka Holland ka iibsaday Dayuurad qaas ah oo la sheegay inuu ku soo iibsaday Malaayiin-DollarDiyaaraddan oo Magaca Soomaaliya lagu buufiyay Todobaad ka hor ayaa socdaalkii ugu horaysay gashay waxaana ay u duushay Magaalada Muqdisho iyada oo Madaxweynaha ay gaysay dalka Jabuuti,Addis Ababa iyo Magaalada Khartuum Ee Dalka SuudanMid ka mida Wasiiradii Xukumada Farmaajo oo Magaciisa qariyay ayaa Shacabkamedia u xaqiijiyay Diyaarada uu Iibsaday Madaxweynaha waxana ay u diiwaan gashantahay diyaaradan Shirkada duulimaadka Caalamiga ah samayso ee KLM.Shirkada KLM waxa ay sanadihii 2009 iyo 2010 Kira ahaan uga qaadatay Madaxweyne Shariif oo Kaliya Lacag kor u dhaafaysa 3-Milyan oo Doolar oo Socdaalkii Madaxweynaha oo kaliya ku baxday taasi oo ka dhigan Qiimaha Saddex Diyaarad oo toos u shaqeysa 5-tii sano ay ku soo xareenkarto waana Faa’iidadii ugu badneed ee laga helay Madaxweynaha waxaana taasi sii dheer in Shariif Xasan uu xiriir iyo Kira diyaaradeed uu ka isticmaali isla shirkadaasi
Ma cadda Qiimaha rasmiga ah ee diyaaradaasi laga soo bixiyay walow si aada ay warbaahintu ugu daba jirto iney ogaato Qiimaha rasmiga ah ee Diyaaradaasi lagu soo iibiyay, haddana waxaa iska muuqata in madaxweynuhu uu socdaal iyo tamashleyn isaga jiro halka kumanaan qof oo Soomaaliya ay macluul, gaajo iyo qaxaatinimo ay ku hayso |
No comments:
Post a Comment