Monday 29 August 2011

Qodabadda Heshiiska Iskaashiga Dowladd KMGS & Puntland


Share
 
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Maxamed Caydiid Ibraahim
Garowe ( RBC Radio ) :
Shirar & Kulamo Iskaashi oo u Dhaxeyey  Dowladda Federalka KMG Soomaaliya  &  Puntland ayaa waxaa ka soo Baxay Qodobo ay ku Heshiiyeen ,Qodabaa Heshiiskaas waxaa Saxaafada u akhriyey wasiirka waxbarashada doowlada gumeelgaarka ah ee soomaaliya DR. maxamed caydiid ibraahim
1. Waxaa la isku Raacay Xoojinta & Wada Shaqaynta iyo Xiririka Joogtadad ah ee Labada Dhinac .
2. Waxaa si buuxda la isugu raacay in la meelmariyo heshiisyadii horey loogu galey( heshiiskii gaaljacyo 23 AUGUST 2009 iyo is fahamki isgaashiga xaga amniga iyo burcad badeeda (MOU ee nairobi 12 April 2010)
3. Waxaa labada dhinac isla ogolaadeen in si wada jir ah looga shaqeeyo adkaynta nabad galyada, la dagaalanka argagaxisada, burcad badeeda iyo tahriibta.
4. Waxa la isku raacey in puntland laga taageero tababarada, gunooyinka iyo qalabeenta ciidamada amniga sida ciidamada booliska, nabad sugida iyo asluubta.
5. Waxaa la isku raacey in dib loo dar dar galiyo ka shaqeysiinta akadeemiyada booliska ee carmo, lana dhameystiro dhismaha iyo qalabeenta xaruntaas si looga maarmo tababarada dibada loo aado.
6. Iyadoo la tixgalinayo baahida loo qabo xeebaha dalka, waxaa labada dhinac isla afgarteen in la dhiso ciidamada badda ee Soomaaliya.
7. DFGM ah waxey ku dhiirigalinaysa puntland in ay kobciso horimarinta dhaqaalaheeda iyo siyaasadeeda(economic and political devalopment)
8. Si looga hortago soo noqnoodka abaaraha waxna looga qabto azyaalaha sababa aafooyinka ( root causes), waxaa labada dhinac isla garteen in loo adeegsado qayb kamid ah mucaawinyoonka oo wax katari kara gargaarka dag daga ah  ee bini’ aadanimo iyo horumarinta dalka sida odista ceelasha, dhisida wara biyeedyada, kobcinta kaabayaasha dhaqaale abuuurista shaqooyin iyo ilaalinta deegaanka.
9.  Waxaa la isla gartay in mucaawinooyinka dalka si isu dheeli tiran loo qaybiyo loona gaarsiiyo gobolada dalka oo dhan.
10. Waxaa lawada aqoonsaday in xaalada barakacayaashu sii xumaanayso maalin walba toradooduna ay sii kordhayso, hadana gobolada puntland ay ku suganyihiin in kabadan 400,000 oo ruux, beesha caalamka ay ka helaan taageero kooban, sidaa owgeed waxaa la isla gartay in lo sameeyo qorshe midaysan oo ku wajahan waxka qabadka arimaha baraka cayaasha iyo dadka abaaruhu saameeyeen ee puntland,Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...