Wednesday 31 August 2011

Abuu Mansuur "Mala idin sheegay aniga nafteyda inaan Baydhabo u cararay, kan ma aniga mise waa nin kale"


Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa beeniyay wararka sheegaya in Saraakiisha Al-Shabaab ay ka carareen dalka, isagoo khudbad shalay ka jeediyay Salaadii Ciida oo boqolaal ruux kula dukaday deegaanada Calamada ee Duleedka Muqdisho.

Abuu Mansuur oo la haldayay boqolaalka ruux salaadii Ciida kadib ayaa sheegay in aanu jirin carar, isagoo xusay in meelo la isugu qeybiyay, waxaana uu soo qaatay hadalo beryahan la sheegayay oo ahaa in qudhiisa uu u cararay Baydhabo.

"Horta ma la idin sheegay Muqdisho waa laga cararay ayaa la yiri, aniga xataa waxaa ley dhahay Baydhabo ayuu u cararay, kan ma aniga mise waa mid kale, wax carar la yiraahdo ma jiro, kaliya meel un baa la isku qeybiyay, inshaa allaah Guusha waa soo dhowdahay"ayuu yiri Abuu Mansuuur oo dhoola cadeynayay.

Abuu Mansuur ayaa sidoo kale tilmaamay in Meles Zenawi Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya uu doonayo inuu dib boorka isaga jafo oo uu ku soo laabto dalka Soomaaliya, isagoo xusay inay quusineyanaa.

"Meles Zenawi maa dhahayay dib baa boorka isaga jafaaye, waa laabanaa, mar kalaa ku soo quusanaa, ee ma quusineysaan"ayuu yiri Abuu Mansuur oo dadka ka qaxay Muqdisho ku tilmaamay kuwo qeyb ka qaatay dagaalkii Itoobiya.

Sidoo kale Abuu Mansuur ayaa ugu baaqay Ciidamada loo yaqaano Xizbada ee sida Booliska oo kale u howl gala inay shacabka u turaan, isla markaana u dulqaadaan, isagoo qiray inay jiraan qaladaad dhankooda ah.


"Waxaa leeyahay Ciidamada Xisbada ee dadka ku dhex jira, haloo turo, soo dhoweeya, ogaada waa kuwii idinla diririyay amxaaro, ee biyaha iyo caanaha, iyo rasaasta idin keenay, hada maa Ugaandeska raacisaan maxaa sugeysaan"ayuu mar kale yiri.

"Umadeena baa tihiin noo sabra, hadaan gaf-gafeyno aan wax haleyneyno, inaan wax hagaajina rabnaa, mar mar ayay wax naga halaabaan, hanoola dulqaato, inta wanaagsan hala fiiriyo, inta haleysan yaan la fiirin waan saxeynaa"ayuu yiri Abuu Mansuur oo qirayay inay jiraan qaladaad dhankooda ah.

Hadalka Abuu Mansuur ka jeediyay deegaanada loo barakacay ee uu shalay Salaadii Ciida ku dukaday ayaa imaanaya xilli Saraakiisha Al-Shabaab ay shaaciyeen in xeelad dagaal uga baxeen, aagagii Magaalada Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...