Wednesday 31 August 2011

Muxuu ku Dhamaadey Safarkii Shaqo ee uu Raysalwasaaraha Soomaaliya Prof. C/wali Gaas ku yimid Gobalka Mudug



 
Share
Raysalwasare Cabdiwali Maxamed Cali iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdile Islaan Faarax Islaan Aadan oo is gacan qaadaya
Gaalkacyo: Raysalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay (Talaado 30-Agoosto-2011) duhurnimadii soo gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug halkaas oo si heer qaran ah loogu soo dhaweeyey. Raysalwasaaraha waxaa waheliyey Dhanka Federaalka Wasiirka Waxbarashada Prof. Axmed Caydiid, Wasiirka Caafimaadka Dr. C/casiis Shiikh Yuuusf, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Wasiiru dowlaha Difaaca, Wasiiru dowlaha dibu dhiska , Madaxa Xafiiska Raysalwasaaraha Burhaan Diyomiyo, Madaxa Baratakoolka, dhanka Puntland waxa safarkiisa ku waheliyey Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Wasiirka Amniga Col. Khaliif Ciise Mudan,Wasiirka Dhalinayrada, Wasiirku ku xigeenka Amniga, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo xubno kale.
Raysalwasaaraha iyo Waftigiisa oo Salaada Ciida ku tukaday Masaajid Buurtinle ku yaala
Soodhaweyntii Raysalwasaaraha Degmooyinka Buurtinle iyo Xarfo:
Raysalwasaare C/wali Maxamed Cali iyo waftiga balaaran ee uu hogaaminayo waxaa si diiran degmada ugu soo dahweeyey  maamulka iyo Odayaasha degmada Burtinl. Waftiga raysalwasaaruhu waxay shalay la tukadeen Shacabka Buurtinle Salaadii Ciida kadibna waftiga raysalwasaaruhu waxay booqdeen Isbitaalka Buurtinle oo ah Isbitaal aan dhamaystirnayn ayna dhisteen shacabka Buurtinle oo taageero u qareemid ah ka helayay Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka ayaa la tusay qaybihiisa raysalwasaaraha waxaana Isbitaalku uu yahay mid aan wali shaqo xoog leh qaban. Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhawaan furtey Isbitaalka kuna wareejisay daawo. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali C/laahi ayaa raysalwasaaraha u sheegay in Isbitaalkan ay dhisteen shacabka degmada Buurtinle ee miyiga iyo magaalada aysana jirin cid kale oo gacan ka gaysatey, wasiirku waxa uu sheegay in ay u heleen dhakhtar kasoo qalan jabiyey Dalka China oo la yiraahdo Dr.Farxaan Bashiir. Odayaasha iyo Waxgaradka Buurtinle ayaa raysalwasaaruhu la kulmay waxayna ka codsadeen inuu wax kala qabto Caafimaadka , Waxbarashada, Biyaha iyo daminta Colaad dhawr sano ka aloosan Cagaare oo ku yaal Xadka Kilirka shanaad degmada Buutinle la wadaagto, colaadaas oo u dhaxaysa Beelo walaalo ah oo aan sina u kala maarmin balse dagaal dhul daaqsin ka bilowdey dhexmaray. Odayaashu waxay raysalwasaaraha u sheegeen in colaadaasi daminteeda lagu guuldareystey shacab iyo dowladba dabadeedna Itoobiya oo iyana soo faragalisay ay wax ka qaban wayday dadkuna wali ay islaynayaan. Raysalwasaaruhu waxa uu odayaasha u sheegay inay baahidooda qadarin doonaan ayna isku dayi doonaan inay wax qabtaan xaalada wadanka Soomaaliya guud ahaan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...