Friday 3 June 2016

Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii gudaha dalka


Mogadishu-X-Scenery-fsx1
Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay dhamman duulimaadyadii gudaha dalka,waxaana ciidamo badan la soo dhigay garoonka caasimadda Muqdisho ee Aadan Cadde.
Sabab loo joojiyay duulimaadyadii gudaha dalka,waxaa lugu sheegay booqashada uu manta ku imaanayo Muqdisho madaxweynaha dalka Turkiga RacepTayyip Erdoğan.
Madaxweynaha Turkiga oo ay u tahay markii sedexaad ee uu dalka imanayo ayaa sidoo kale waxaa booqashadiisa loo xirey waddooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda ah, iyada oo si weyn loo sugey amniga.
Maalin ka hor booqashadiisa ayay dagaal-yahanada al-Shabaab weerar ku qaadeen hotel Ambassidor, halkaasi oo ay ku dileen dhawr iyo labaatan qof oo ay ka midyihiin labo xildhibaan.
Balse taasi ma aysan hor istaagin booqashada Erdoğan.
Madaxda sare ee dalka ayaa ku sugan garoonka diyaaradah Muqdisho,waxaana la sugaya diyaarada sida madaxweynaha Turkiga inay soo gaarto goor dhow,garoonka diyaaradaha Muqdisho,taaso ka soo kici-tamaysa magaalada Nairobi.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...