Thursday 23 June 2016

Duqeyn ka dhacday gobolka Gedo oo lagu dilay afar Carruur


0C10B280-3000-40B8-B352-E6F594AAB783_w987_r1_s
Muqdisho (RBC Radio) Afar carruur ah ayaa ku dhimatay duqeyn diyaaradeed oo maanta ka dhacday tuulada Ilaale oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kenya,sida ay baahisay idaacadda VOA-da.
Deegaanka ay duqeynta ka dhacday waxaa 15 km dhanka koonfurta uga beegan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.
Diyaaradaha wax duqeeyay,waxaa la sheegay inay lahayd dowladda Kenya,sida laga soo xigtay dadka deegaanka,Waxaana lugu sheegay carruurta duqeynta ku dhimatay inay kala ahaayeen saddex wiil iyo gabar.
Wararka deegaanka laga helayo ayaa inta ku daraya in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ee duqeynta ka geystay deegaanka Ilaale inay beegsanayeen dagaal-yahanno ka tirsan ururka al-Shabaab kuwaasi oo la sheegay inay ku sugaanaayeen nawaaxiga tuulada Ilaale.
Inta waxaa ay ku darayaan,wararka laga helayo duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya inay baadigoobayaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkii 20-kii bishan lagu dilay shan ka tirsan booliska dowladda Kenya kadib weerar jid gal ah oo a dhacay meel u dhow degmada Mandhere ee Waqooyi bari Kenya.
Maamulka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo ay hoostagto deegaaanka ay duqeynta ka dhacday ayaa xaqiijiyay in duqeynta maanta ay sidoo kale khasaare xooggan ka soo gaadhay xoolo Geel u badan oo ay leeyihiin dadka deegaanka.
Duqeynta diyaaradaha ayaa ku soo aadaysa,markii weerar ay fuliyeen dagaal-yahanno ka tirsan ururka al-Shabaab lugu dilay maalin ka hor askar ka tirsan ciidanka Kenya.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...