Friday 3 June 2016

Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde


by master Friday, Jun 3, 2016 | 1607 views
June 3 (Jowhar)— Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan dowladda, Diblomaasiyiin caalami ah iyo Mas’uuliyiinta Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho.
Labada Madaxweyne ayaa si wada jir ah salaan uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida, waxaana loo garaacay astaanta calanka ee labada dal.
Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goor dhow lagu wadaa inay xarigga ka jaraan dhismaha cusub ee Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taasoo noqon doonta Safaaradda ugu weyn ee Afrika ee Turkigu leeyahay.
Safaaradda Turkiga ayaa ah tan kaliya ee gudaha Muqdisho ku taal, marka laga soo tago safaaradaha dowladaha reer galbeedka ku leeyihiin Xerada Xalane oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.
Safarka Madaxweynaha Turkiga oo maanta oo jimco ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka duwan labadii safar ee hore oo waddooyinka Muqdisho ay ahaayeen kuwo xiran oo cidlo ah, balse waxaa haatan hareeraha waddooyinka taagan dadweyne fara badan oo sita calanka Turkiga iyo sawirka Madaxweyne Erdogan,
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo muhiim ah, waxaana la arkayay ciidamada ammaanka oo wado kasta taagan, isla markaana feejignaan ka muuqata.
Turkiga ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaatay gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya, iyadoo si toos ah u taageeray dowladda Soomaaliya, waxaa uu ka qeyb qaatay dib u dhiska meelo badan oo ka tirsan Muqdisho iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo isugu jira waddooyin laami la saaray, dhisida Isbitaalo, iskuulo iyo Terminalka cusub ee garoonka diyaaraddaha Aadan cadde.
Waa markii 3aad ee Madaxweynaha Turkiga booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, sanadkii 2011 ayay aheyd markii u horeysay uu yimaado, xilligaasoo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ku dhufteen abaaro, iyadoo Erdogan uu indhaha Caalamka ku soo jeediyay, isla markaana tusay in Soomaaliya la tagi karo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...