Wednesday 24 August 2011

Askarta Bashaar Al Asad oo Askari safkooda ka goostay ku khasbaya in uu dhaho (ALLLAAH aan Bashaar ahayn ma jiro!!!. )



Waa Muuqaal murugo xambaarsan, Waa Askarta Bashaar Al Asad oo Askari ka goostay Safkooda Garaacaya oo Dulaysanaya kuna khasbaya in uu dhaho (laa illaaha illaa Bashaar Al Asad) ALLLAAH aan Bashaar ahayn ma jiro!!!.
Arinkani waxa uu si toos ah u muujinayaa waxa ay yihiin kuwa sheegta in ay madax u yihiin Shucuubta Muslimiinta.
Shucuubta Muslimiinta madaxda xukunta intooda badan hadaysanba dhammaantood ahayn waa sidan oo kale. aaway Culimadii sheegtay in Bashaar Al Asad uu yahay Xaakim Muslim ah oo ay waajib tahay in la adeeco?.
Goor sii horaysay ayaa Shaashadaha Caalamka laga daawaday Askarta Bashaar Al Asad oo ku khasbaysa Shacabka Suuriyiinta in ay u Sujuudaan Sawirka Bashaar Al Asad.
Maanta waxay maraysaa in Shacabka lagu khasbo in ay dhahaan ALLLAAH aan Bashaar ahayn ma jiro!!!.
Cajalka hoos ka muuqda marka uu marayo ilbiriqsiga 29-aad dhagayso waxa ay dhahayaan askartu.
Subxaanallaaah. Tacaalallaahu Cammaa Yaquuluuun. Laaaaa Illaaaaha illaa Anta Subxaanak.

DAAWO MUUQAALKAN NAXDINTA BADAN

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...