Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa weeraro dhowr jiho ku qaaday aagaga dagaalka ee Muqdisho, iyadoo weeraradan ay noqonayaan kuwii u horeeyay ee aagagaas ku soo qaadaan tan iyo marka la galay Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Hugunka Madaafiicda sida Hoobiyeyaasha iyo Taangiyada ayaa laga maqlayay aagaga dagaalka, iyadoo dagaalada oo u badnaa kuwo fool ka fool ah ay ka dhaceen dhowr aag oo ku yaal Magaalada Muqdisho.
Xilligan oo saacada Muqdisho ay tahay 11-ka Habeenimo la maqlayaa madaafiic culus iyo daryanka rasaasta kala duwan.
Al-Shabaab ayaa weerarada ku kala qaaday aagaga degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigley, Howlwadaag, iyadoo dagaalada meelaha ay ka dhacayeen ka mid ahaa goobihii dhowaan lagala wareegay ee ay aagaga ka dhigteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale aaga Wasaarada Gaashaandhiga iyo gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka mid ah goobaha ay hujuumeen caawa.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda iyo Shabaab oo ku aadan weerarada dagaalada caawa ka dhacaya aagaga dagaalka.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment