Ra'iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen Xubno ka tirsan Xukuumadiisa sida Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Xuseen Carab Ciise, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Milateriga.
Isagoo Wariyeyaasha kula hadlay halkaas ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay wixii maanta ka dhacay Xerada, kadib kolkii Ciidamo ka tirsan Dowladda ay boobeen raashin gar gaar, isla markaana ay dad ku laayeen.
"Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan soo booqdo Xerada Badbaado oo Dowladda ay aas aastay, shaqo fiican ay ka qabatay, muddo ay maamulkeeda soo waday, waxaan kaloo aad uga xumahay dhacdadii halkan ka dhacday, raashin loogu tala galay dadka masaakiinta in la boobo"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in raashinkaas intiisa badan gacanta Dowladda lagu soo celiyay, isagoo xusay in aanay u adkeysan doonin, isla markaana aqbali doonin in la boobo ama la dhaco raashin dad masaakiin ah ay leeyihiin.
Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in la tashi ay sameeyeen kadib ay Gudi gaar ah u saareen dhacdadii maanta ka dhacday Xerada Badbaado, isagoo sheegay in cidii ku cadaata dambiga la marsiin doono ciqaab.
"La tashi badan baann sameynay, Gudi ayaa loo saaray, gudigaas oo daba geli doona wixii halkan ka dhacay cidii ku cadaata dambiga waxaan u cadeyneynaa inaan ciqaabta ugu adag ka qaadi doono, waajibaadkeeda la marsiin doono"ayuu si kulul u yiri Ra'iisul Wasaaraha.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa faray Gudigan uu u saaray in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo baaraan wixii ka dhacay, isla markaana warbixin ay ka siiyaan, si lagu dhaqaaqo in Maxkamad lagu soo saaro kuwii ka dambeeyay falkaas.
"Waxaan go'aan ku gaarnay in dib u habeyn lagu sameeyo Maamulka iyo Amniga si deg dega h, laga bilaabo caawa iyadoo saacad iyo daqiiqad midna aan la sugeyn, in Amniga la adkeeyo, Ciidamo iyo Gudi ayaana ka howl galaya"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali.
Saaka barqadii ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ay dhac u geysteen Raashin dad gar gaar ah oo Xerada Badbaado la geeyay, iyagoo rasaas huwiyay dadkii ku soo xoomay ee barakacayaasha, kuwaasoo diidanaa in la boobo raashinka loo soo waday.
Qasaaraha ka dhashay dhacdadaas ayaa isa soo taraya, warar gelinka hore soo baxayay ayaa sheegaya in ilaa lix ruux ay ku dhinteen, halka warar kalena gelinkii dambe ay sheegayeen in dhimashadu ay gaartay ilaa toban ruux, hase ahaatee Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in dhacdadaas sida loo buun buuninayo aanay aheyn, qasaarahuna aanu intaas gaarsiisneyn, waxaa uu sheegay in ilaa saddex ruux ay ku dhinteen labo kalena ku dhaawacmeen.
No comments:
Post a Comment